Tuesday, June 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso: Fariinta Madaxweynaha JFS ee uu u diray Ciidanka Xoogga Dalka iyo Shacabka Soomaaliyeed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 29, 2023
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Fariin Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu u diray Ciidanka Xoogga Dalka iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo fariin u diray ciidanka iyo shacabka ayaa tilmaamay in Ciidamada Qaranka iyo dhallinyarada Difaaca shacabka ay dib u milicsadaan halkii howlgalku ka soo bilowday iyo guulaha maanta la gaaray ee ah in khawaarijta laga xoreeyay deegaanno iyo degmooyin dhowr ah, loona baahanyahay inay xoojiyaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Related posts

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

June 17, 2025
Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

June 17, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri ” Dhulka baaxaddaa leh ee aad xoreyseen, dhulka baaxaddaa leh ee aad cadowga ka qabsateen, dhulka baaxaddaa la eg ayaa geesiyaal Walaalihiina ah oo magacyo leh ayay naftooda u hureen, sidoo kale geesiyaashaas waxaa ka mid ahaa ciidanka difaaca shacabka ee deegaannada, wiilal geesiyaal ah oo la garanaayo oo la yaqaano ayaa naftooda u huray oo ka tirsan deegaannada”

Madaxweynaha JFS ayaa xusay in deegaan kasta oo laga xoreeyay khawaarijta ay naftooda u hureen ciidamada qalabka sida oo kaashanaya shacabka deegaannada laga sifeeyay argagixisada iyo odoyaasha dhaqanka, isla markaana loo baahanyahay in la joogteeyo howlgallada ka dhanka ah argagixisada.

“Dagaalka wuu soconayaa, ma istaagayo, meelaha aan joogno ka soo noqon meyno, hore ayaana u soconeynaa. Guusha kama dambeysta ah ee aan raadineyno waan gaareynaa”. Ayuu yiri Madaxweynaha Dalka.

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Bulshada Soomaaliyeed ay maanta leeyihiin hal cadow, kaasi oo loo baahanyahay in loo midoobo sidii loo garab istaagi lahaa Ciidamada Qalabka Sida ee kaashana dhallinyarada difaaca shacabka, si guud ahaan dalka looga ciribtiro khawaarijta.

“Inaan u midowno oo mid noqono waa sida kaliya ee noo furan oo aan isaga saari karno cadowga, shacabka Soomaaliyeed ha garab istaageen meelkasta oo ay joogaan ciidamada qalabka sida, ha garab istaageen meelkasta oo ay joogaan Difaaca dadweynaha, difaaca shacabka, difaaca deegaanka wiilasha u istaagay ee jooga”.

 

Previous Post

Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka oo bogaadiyay guulaha ciidanka Xoogga Dalka “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo Xarardheere gaaray

Next Post
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo Xarardheere gaaray

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo Xarardheere gaaray

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

June 17, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in wada tashiga uu ka mid yahay tiirarka islaamka uu ku...

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

June 17, 2025
0

Cabaas Maxamed Hool, oo ahaa horjoogaha ugu sarreeya ee shirqoolada iyo dhagaraha ay khawaarijtu ka fuliyaan bobolka Banaadir iyo labada...

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Dhameystirka dastuurka waa horutabin Qaran”

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Dhameystirka dastuurka waa horutabin Qaran”

June 17, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhameystirka dastuurka uu yahay horutabin Qaran.   Madaxweynaha JFS...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalka waa furanyahay”

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalka waa furanyahay”

June 16, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Madasha Wadatashiga Qaran oo looga arrinsanayo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In