Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada iyo Beeraha ee FAO, Madaxa Mashruuca SCRP Marwo Alison iyo Ku-xigeenka Madaxa horumarinta Kalluumeysiga Mr John Purvis.
Kulankaan oo ay goobjoog ka ahaayeen Agaasimaha Waaxda Xiriirka Dibadda iyo Hey’addaha Caalamiga Mudane Maxamed Xasan Maxamed iyo Agaasime Ku-xigeenka Kalluumeysiga Dowladda Hoose ee Xamar Mudane Farxaan Xuseen Hilowle ayaa looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin xoojinta wada shaqeynta Dawladda Hoose ee Xamar iyo Hey’adda FAO iyo fulinta mashaariic ay ka mid yihiin Dhismaha Kawaanka Malaayga ee Liido.
Labada dhinac ayaa isla qaatay in laga shaqeeyo shaqo abuurka, kor u qaadista xirfadda kalluumeysatada, taageeridda iyo tayeenta iskaashatooyinka kalluunka, sare u qaadista mashaariicda horumarinta kalluumeysiga iyo ka faa’ideysiga dhaqaalaha buluuga ee Gobolka Banaadir.