Sunday, August 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Himilooyinkii u hirgalay xukuumadda Dan-Qaran muddadii sanadka ahayd ee ay jirtay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
September 23, 2023
in Wararka
0
Himilooyinkii u hirgalay xukuumadda Dan-Qaran muddadii sanadka ahayd ee ay jirtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xukuumadda Dan Qaran waxay ummadda Soomaaliyeed la wadaageysaa himilooyinkii u hirgalay muddada halka sanno ee ay jirtay, iyadoo ka duuleysa aragtida madaxweynaha Jamhuuriyadda Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Barnaamijka xukuumadda ee Ra’iisal wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Dib-u-xoreynta iyo suggida amniga.

Related posts

Xogta horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay gobolka Bakool

Xogta horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay gobolka Bakool

August 17, 2025
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha XFS Oo Daahfuray Shirweynaha Wadatashiga Qaran Ee Tababaridda Khubarada Fidinta Xanaanada Xoolaha

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha XFS Oo Daahfuray Shirweynaha Wadatashiga Qaran Ee Tababaridda Khubarada Fidinta Xanaanada Xoolaha

August 17, 2025

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa ka xoreeyay ayaa cadowga Khawaarijta in ka badan 80-deegaan oo ka mid ah gobollada Galguduud, Mudug, Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Jubbada hoose.

Degmooyinka la xoreeyay waxaa ka mid ah Aadan-Yabaal, Xarar-dheere, Ceeldheer, Runir-Good,Ceelbuur iyo deegaanno kale oo istiraatiji ah.

Waxaanna laga sifeeyay Khawaarijta la iskuna furay waddooyinka Baladweyne-Matabaan,Baladweyne-Buula-Burde, Baladweyne-Maxaas ilaa Buula-burte, Muqdisho-Runir-Good, Hobyo-Xarar-Dheere.

In dhinaca dhaqaalaha lagala dagaallamo Khawaarijta waxay ka mid ahayd saddex jiho oo lagu ciribtirayo Khawaarijta, xagga ciidanka, dhaqaalaha iyo fikirka, waxaa la xiray labo boqol iyo Konton Akoon oo ay isticmaali jireen Khawaarijta, iyadoo la baabi’iyay maxkamad beennaadii lacagaha baadda ah uga qaadi jireen shacabka Soomaaliyeed.

Deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta qeybo ka mid ah Dowlad gobolleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle waxaa laga hirgeliyay istiraatijiyadda qaran ee xasillinta deegaannada la xoreeyay, waxaanna inta badan maamulo KMG ah loo dhisay deegaannadii la xoreeyay, kuwaasi oo laga howlgeliyay boqol toban iyo saddex Barnaamij oo kaabaya nolosha dadka sida adeegyada waxbarashada, caafimaadka, korantada iyo ceelal-biyood.

Waxaa dadaal xooggan loogu jiraa sidii la isku bar bar wadi lahaa dib-u-dhiska ciidanka, kala wareegidda amniga dalka ee ciidanka ATMIS iyo ciribtirka Khawaarijta.

Waxaa la dhisay lana qalabeeyay 10-kun oo ciidan oo laga qoray dhammaan gobollada Dalka, saddex boqol iyo lixdan ka mid ahna waa ciidanka sida gaarkanah u tababaran.

Xukuumadda Dan-Qaran waxay ku guuleystay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in ay kala xaajooto halbeegyo la jaangooyay kuwaas oo lagu wada heshiiyay si ay u sahlaan qaaditaanka cunaqabateynta hubka ee saarneyd Soomaaliya  tan iyo 1992.

Xukuumadda Dan-Qaran waxay meel-marisay shuruucyo iyo nidaamyo lagu horumarinayo maareynta hubka, waxaanna lagu guuleystay xaqiijinta tobankii halbeeg iyo bartilmaameedyadoodi kuwaas oo lagu xiray qaadista cunaqabateynta hubka,iyadoo guddi khubaro ah oo ka socday xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ay qiimeyn ku sameeyeen horumarka Dowladda Federaalka ay ka sameysay xaqiijinta halbeegyada iyo bartilmaameedyada lagu heshiiyay in ay hagaan qaadista cunaqabateynta hubka.

Waxaa la diyaariyay qorshaha hirgelinta heshiiskii qaab-dhismeedka amniga qaranka oo golaha wadatashiga qaranka ay kaga heshiiyeen shirkii ka dhacay Baydhabo bishii Maarso, 2023.

Xukuumaddu waxay dib-u-habeyn ku sameysay xarumaha dhaqan-celinta kuwa ka soo goosta Khawaarijta, kuwaas oo isku soo dhiibay boqolaal lana geeyay xarunaha loogu talagalay ee dhaqan-celinta.

Dhammeystirka Dib-U-Eegista-Dastuurka.

Waxaa dib loo dhisay guddiga madaxa-bannaan ee dhammeystirka iyo hirgelinta dib u eegista Dastuurka , xukuumaddu waxay ku guuleysatay in golaha wadatashia qaranku heshiis uu ka gaaro qodobada dastuuriga ah ee wada-xaajoodka siyaasideed u baahan oo kala ah.

Asteynta awoodaha heerarka kala duwan ee Dowladda, hannaanka cadaallada garsoor madax-bannaan, hannaanka federaaleynta maaliyadda dalka, hannaanka doorashooyinka dalka, hannaanka qaabka dhismeedka amniga qaranka iyo qaab dhismeedka Dowladda.

Dorashooyinka iyo ka guurista nidaamka 4.5.

Xukuumadda Dan-Qaran waxay xaqiijisay in ay qabato 7-kullan oo wada-xaajood siyaasadeed ah, kuwaas oo ay isugu yimaadeen madaxweynaha Dowladda Federaalka, Ra’iisal wasaaraha xukuumadda, Ra’iisal wasaare ku-xigeenka, madaxda maamul goboleedyada Dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Kullmadaas oo lagaga heshiiyay qodobo siyaasadeed oo muhiim u ah horumarka Dalka oo isugu jira qaab dhismeedka dowladda garsoorka, Doorashooyinka, hannaan maaliyadeed oo la isku raacsan yahay iyo qaab dhismeedka amniga qaranka.

Xukuumadda Dan-Qaran waxay ku guuleysatay macluul ku soo aaddaneyd Dalka sanadkii hore, waxaanna la qaaday tallaaboyinkan.

Qoondeynta miisaaniyad dhaqaale,mideynta gargaarka gudaha iyo dibadda iyo hirgelinta hay’adda SoMDA oo gaarsiisay in ku dhow boqol iyo labaatan kun oo qoys abaaruhu ay saameeyeen cunto iyo dawooyin.

Xukuumaddu waxay ku guuleysatay soo samata-bixinta muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ku go’doonsanaa Suudaan oo gaarayay 1771, muwaadin.

Xukuumadda Dan-Qaran oo mudnaan siineysa maareynya isbedeelka cimilada  waxay wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada, waxaanna la hirgeliyay istiraatijiyadda isbeddelka cimilada ee shanta sanno ee soo socota iyo qorshaha Soomaaliyada Cagaaran.

Previous Post

Ra”iisul wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Sanduuqa Lacagta Adduunka IMF

Next Post

Maxkamada Ciidamada Puntland oo xukunno ku riday xubno ka tirsan Khawaarijta

Next Post
Maxkamada Ciidamada Puntland oo xukunno ku riday xubno ka tirsan Khawaarijta

Maxkamada Ciidamada Puntland oo xukunno ku riday xubno ka tirsan Khawaarijta

Xogta horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay gobolka Bakool

Xogta horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay gobolka Bakool

August 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD), oo ku duulaya xog sirdoon iyo raad-joogis dheer, ayaa xalay howlgal qorsheysan ku...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha XFS Oo Daahfuray Shirweynaha Wadatashiga Qaran Ee Tababaridda Khubarada Fidinta Xanaanada Xoolaha

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha XFS Oo Daahfuray Shirweynaha Wadatashiga Qaran Ee Tababaridda Khubarada Fidinta Xanaanada Xoolaha

August 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Maxamed Saneey Dalmar, ayaa Maanta magaalada...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo si rasmi ah u shaaciyay waqtiga loo dareeri doono doorashada Golaha Deegaanka iyo Duqa Muqdisho

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo si rasmi ah u shaaciyay waqtiga loo dareeri doono doorashada Golaha Deegaanka iyo Duqa Muqdisho

August 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa si rasmi ah u shaaciyay waqtiga shacabka gobolka...

Horjooge lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Bakool

Horjooge lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Bakool

August 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 95-aad ee Guutada 9-aad Qeybta 60-aad, ayaa xalay saqdhexe howlgal qorsheysan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In