Sunday, August 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Hirshabeelle oo bogaadiyay guulaha ciidanka Xoogga iyo kuwa Deegaanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Hirshabeelle oo bogaadiyay guulaha ciidanka Xoogga iyo kuwa Deegaanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Shir-guddoomiyay Kulanka toddobaad-laha ee Golaha Wasiirada.

Shirka Golaha Wasiirada Hirshabeelle ayaa maanta looga hadlay Arrimaha amniga, Howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta ee ka socda deegaanada Hirshabeelle, Aafooyinka ka dhalankara Fatahaadaha iyo duufaannada El-Nino, Maamul u sameynta deegaannada la xoreeyay iyo dardargelinta dhismaha goleyaasha deegaanka, Caqabadaha ku xeeran dhaqangelinta iyo la socodka deeqaha duufaannada iyo fatahaadaha El-Nino.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay howlwadeennno ka tirsan Wasaaradda oo fursado waxbarasho ka helay Shiinaha

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay howlwadeennno ka tirsan Wasaaradda oo fursado waxbarasho ka helay Shiinaha

August 30, 2026
Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowliga oo hirgeliyay isku-xirka nidaamka mushahar bixinta iyo Aqoonsiga NIRA

Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowliga oo hirgeliyay isku-xirka nidaamka mushahar bixinta iyo Aqoonsiga NIRA

August 30, 2026

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Golihiisa Wasiirada uga warbixiyay kaalintiisa kaga aadan hogaaminta dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta Al-shabaab, isagoo xusay in socdaal qaatay mudo ku dhow labo-bilood uu ku sugnaa furimaha hore ee dagaalka si loo dhiirigeliyo ciidankeenna geesiyaasha ah iyo kuwa dib u xoreynta ee ku sugan deegaanada Nuur-dugle, Cadaanlaxeey, Cadcadeey, Daaru-nicma iyo Ceel Cali Axmed.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sidoo kale ka warbixiyay booqasho iyo kormeer ku tagay Degmooyinka Aadan-yabaal, Alkowsar, Cali Gaduud iyo deegaanada Guulane iyo Maxaa saciid oo bulshada magaalooyinkaas uu kala hadlay ka qeybgalka dagaalka ka dhanka ah khawaarijta isagoo xusay inay kasoo jawaabeen baaqii la dagaalanka khawaarijta oo ay soo diyaariyeen ciidamo badan oo ka qeyb noqonayo xoogga dib u xoreynta deegaanka dhowaana ay xoreyn doonaan deegaanada aan wali xoroobin.

Wasiirka Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Golaha Wasiirada uga warbixiyay howlgal maalmihii ugu dambeeyay ka socday dhulka howdka ah ee deegaanada Ciidciidka iyo Jembiloow oo saaka ciidankeenna geesiyaasha ah ay u dhaadhaceen godadkii ay ku dhuumaaleysanayeen khawaarijta arxanka daran.

Ugu dambeyn, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa golaha u faahfaahiyay sida ay lagama maarmaan u tahay in maamulo loo sameeyo deegaanada la xoreeyay iyo muhiimada ay dowladda u leedahay dhismaha goleyaasha deegaanka

Previous Post

R/W Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska Maalinta Calanka

Next Post

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Next Post
Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay howlwadeennno ka tirsan Wasaaradda oo fursado waxbarasho ka helay Shiinaha

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay howlwadeennno ka tirsan Wasaaradda oo fursado waxbarasho ka helay Shiinaha

August 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay qaar ka mid ah...

Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowliga oo hirgeliyay isku-xirka nidaamka mushahar bixinta iyo Aqoonsiga NIRA

Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowliga oo hirgeliyay isku-xirka nidaamka mushahar bixinta iyo Aqoonsiga NIRA

August 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda ayaa hirgelinaya isku-xirka Nidaamka Mushaar-bixinta Dowladda (Payroll/SFMIS) iyo Aqoonsiga Qaranka ee NIRA. Xafiisku wuxuu...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Guddoonka Golaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Guddoonka Golaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed

August 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoonka Golaha Haweenka...

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

August 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In