Tuesday, December 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamse; “Waxaa muhiim ah in aan ka baxno duruufaha iyo maraxaladihii hore u jiray ee caqabadda ku ahaa dowladnimadeenna iyo horumarka dadkeenna”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamse; “Waxaa muhiim ah in aan ka baxno duruufaha iyo maraxaladihii hore u jiray ee caqabadda ku ahaa dowladnimadeenna iyo horumarka dadkeenna”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa soo xiray maalinta koowaad ee Aqoon is-weydaarsiga Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya oo uu maanta furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in la joogo xilligii la cusbooneysiin lahaa qaabka shaqo iyo hannaanka fulinta adeegyada dowladda, maadama ay ku saleysan yihiin duruufihii iyo agabkii burburka ka hor.

Related posts

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

December 2, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

December 2, 2025

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo bandhigay qorsheyaasha horutabinta u leh dowladnimada Soomaaliya oo ay ugu horreyso sugidda amniga iyo dabargoynta argagixisada,maalgashiga, shaqo abuurka, xasilloonida siyaasadda, tiknaloojiyeynta shaqada Hay’adaha dowladda iyo kobcinta dhaqaalaha. Waxaana uu ku ammaanay Golaha Wasiirrada sida ay u xaqiijiyeen qorshaha sanadlaha ahaa ee Xukuumadda DanQaran 2023.

“Waxaan maanta halkaan u fadhinaa waa isbeddel in la helo, si loo xaqiijiyo isbeddelkaas waa in uu anaga naga bilowdaa oo natiijada isbeddelku ay idinka muuqataa”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayey xubnaha Golaha Wasiirrada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay muhiimadda ay u leedahay Soomaaliya in ay ka dheegtaan walaalahooda reer Malaysiya hannaanka dowladnimada casriga ah, casharna ka bartaan jidka ay jeexeen iyo caqabadihii la gudboonaaday inta ay geeddigaas ku jireen.

Aqoon is-weydaarsiga Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya oo soconaysa muddo labo maalmood ah, ayaa waxaa qeyb ka ah dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada, khubaro caalami ah iyo Madax aqoon durugsan u leh horumarinta iyo casriyeynta dowladaha.

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka warbixayay shirkii ugu soo gabagaboobay dalka Marocco 

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dul istaagay hannaanka dib u soo celinta ciidamada ku maqnaa tababarka Ereteriya

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dul istaagay hannaanka dib u soo celinta ciidamada ku maqnaa tababarka Ereteriya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dul istaagay hannaanka dib u soo celinta ciidamada ku maqnaa tababarka Ereteriya

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

December 2, 2025
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu qabtay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin, waxaana munaasabadda lagu martigeliyey...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

December 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday dowladda UK oo...

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska

December 2, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi sare...

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

December 2, 2025
0

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa maanta kormeeer kooban ugu tagay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In