Saturday, August 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo xiray Aqoon-iswaydaarisga Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo xiray Aqoon-iswaydaarisga Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa soo xiray Aqoon is-weydaarsiga Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya oo saddexdii maalmood ee u dambaysay ka socday Caasimadda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeeyey Golaha Wasiirrada in ay ficil u beddelaan aqoonta iyo waayo aragnimada casriyeynta dowladnimada ee madasha lagu soo bandhigay, taas oo ay ka qeyb qaateen khuburada hormarinta dowladnimada ku taqasusay.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da August

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da August

August 1, 2026
Shir-madaxeedkii dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Kampala

Shir-madaxeedkii dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Kampala

August 1, 2026

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay awoodaan in ay ka gudbaan caqabadaha amniga, kala qeybsanaanta, musuqmaasuqa iyo saboolnimada, isagoo sheegay in qorshahan qaran uu yahay jidkii inagu hagi lahaa rumeynta himilooyinka dowladnimo iyo in aan la tartanno dhiggeena.

“Safarka loo galayo isbeddelka iyo horumarka dowladnimada casriga ah waxa uu u baahan yahay ka go’naansho wadareed oo mug leh, iyadoo Soomaaliya ay galeyso marxalad cusub, waxaanan ku boorrinayaa qof kasta oo idinka mid ahi in uu isbaddelka uga qeyb qaato si daacadnimo leh”.

Aqoon is-weydaarsiga Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya oo soconayey muddo saddex maalmood ah, ayaa waxaa qeyb ka ah dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada, khubaro caalami ah iyo madax aqoon durugsan u leh horumarinta iyo casriyeynta dowladaha.

Previous Post

Alllaha u naxariisto Marxuum Wariye Qeys oo lagu aasay Muqdisho

Next Post

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Next Post
Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da August

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da August

August 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyo u direy bulshada deegaanada Puntland & Maamulkaba sanad guuradda...

Shir-madaxeedkii dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Kampala

Shir-madaxeedkii dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Kampala

August 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO(KAMPALA):-Shir Madaxeedkii gaarka ahaa ee dalalka ciidamada ku taageera hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), oo ka qabsoomay magaalada...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerar lagu qaaday deked ku taalla Masar

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerar lagu qaaday deked ku taalla Masar

August 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa weerarkii argagixiso ee loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn (drones) ee...

Soomaaliya oo shir heer caalami ah kaga qayb gashay dalka Libya

Soomaaliya oo shir heer caalami ah kaga qayb gashay dalka Libya

August 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LIBYA):-Wafdi ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), oo uu hoggaaminayo Ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga, Mudane Maxamed Haaruun...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In