Monday, June 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Guud ee W/Tiknoolajiyadda oo daah furay madasha xirfadlayda Tiknoolajiyadda ee (SomNOG)

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha Guud ee W/Tiknoolajiyadda oo daah furay madasha xirfadlayda Tiknoolajiyadda ee (SomNOG)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Duwane Isaaq, ayaa si rasmi ah u daah furay qeybta tababarada Madasha Xirfadleyda Teknolojiyada

Somali Network Operators Group oo sanadkaan ka qeybgalayaan arday kala duwan oo nasiibka u helay inay ka faa’iideystaan.

Related posts

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

May 31, 2026
Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

May 31, 2026

Ugu horreyn Agaasimaha guud, ayaa ku bogaadiyey hawl-wadeenada Madasha SomNOG joogteynta tababarada iyo shirarka lagu horumarinayo aqoonta iyo xirfadaha dhinaca Isgaarsiinta iyo Teknolojiada waddanka. Waxa uuna si gaar ah ugu hambalyeeeyey in markale sanadkan soo agaasimaan shirweynihii 6-aad oo maanta ahaa furitaankiisa qeybta tababarada.

“Waxaan aad ugu hambalyeynayaa wiilasha iyo gabdhaha nasiibka u helay inay ka faa’iideystaan tababarada sannadkaan. Waxaan hubaa inay waxbadan ka caawin doonto horumarinta xirfaddiina maadama ay yihiin casharro gacanta laga sameynayo”ayuu yiri Agaasime Duwane.

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada waxay aad u dhiirigalinaysaa dadaalada noocan oo kale ah, oo ay bahwadaagta xirfadda Teknoolijiyada ku wadaagayaan aqoonta iyo horumarka ICT-ga, Maadaama lagu jiro qarnigii xogta iyo dhijitaalka.

Madasha Xirfadleyda Teknolojiyada (Somali Network Operators Group – SomNOG), oo markii 6aad la qabanayo Sanadkaan waxay isugu jirtay tababarro iyo aqoon-isweydaarsiyo, waxaana ujeeddadeedu tahay sidii loo kobcin lahaa xirfadaha la xiriira kaabayaasha iyo adeegyada Teknoolojiyadda, waxaana 25-26 Bishaan dhacaya Shirweynaha Madasha.

Tababaradaan waxaa lagu bixinayaa Xarunta Jaamacadda Benadir University oo sanadkaan martigalisay.

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka warbixayay guullaha laga gaaray Khawaarijta

Next Post

Cabdiraxmaan Xasan Jimcaale oo loo magacaabay Maareeyaha Sanduuqa Nabadda

Next Post
Cabdiraxmaan Xasan Jimcaale oo loo magacaabay Maareeyaha Sanduuqa Nabadda

Cabdiraxmaan Xasan Jimcaale oo loo magacaabay Maareeyaha Sanduuqa Nabadda

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dhaarinta Xildhibaanada Koofur-Galbeed: Riyadii hadda waa run. Shalay, Magaalada Baydhabo waxaa lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dawlad-goboleedka Koofur...

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee...

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka...

Horjoogayaal lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

Horjoogayaal lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Hanti Wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay laba...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In