Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray fariisimaha ciidamada qalabka sida ee Xudur

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray fariisimaha ciidamada qalabka sida ee Xudur
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ay wehliyaan Wasiirka amniga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka xoogga dalka ayaa kormeer ku tagay fadhiyada Ciidanka qalabka sida ay ku leeyihiin magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo mas’uuliyiintii wehlisay oo la hadlay Ciidaanka qalabka sida ayaa ku dhiiragaliyay shaqada adag ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed, iyaga oo sheegay in loo baahan inay sii laba-laaban maadama xilligan lagu jiro dagaal ka dhan ah cadowga khawaarijta oo la doonayo in dalka looga sifeeyo.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Ciidamada qalabka sida ee kuu sugan fadhiyada kala duwan magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa shaqo xooggan ka qabtay dhanka sugida amniga, iyaga oo haatanna u diyar garoobaya dagaalka lagu ciribtirayo kooxda gabalkeedu dhacay ee khawaarijta iyo wajiga labaad dagaalka.

“In horumar la gaarsiiyo magaaladdan iyo deeggaannada ku teegsan, bulshadda ku noolna ay hesho adeeg dowladeed oo dhameystiran cida hortaagan waa kooxda gabalkeedu dhacay, in dadka danta yar ay helaan adeeg caafimaad iyo nolol dhameystiranba cida u diidan waa khawaarijta, waxa kaliya ee noo furanna waa inaan ka xorreyno shacabkeenna dhiig-miiratada la haray” ayuu yiri Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur.



Previous Post

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo kormeeray xerada tababarka ee Turki-Som

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray magaalada Washington

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray magaalada Washington

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray magaalada Washington

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In