Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay shirka Golaha Sugidda Cunnada iyo isbeddelka cimillada ee heer Wasiir.
Shirkan oo ah midkii labaad ee ay yeeshaan Golaha Sugidda Cunnada iyo isbeddelka Cimilada ayaa looga hadlay sidii dalku u gaari lahaa isku filnaansho dhanka cunnada ah iyo sidii wax looga qaban lahaa isbeddelka oo saamayn balaaran ku leh shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay siday ay Xukuumadda DanQaran uga go’an tahay dardar gelinta arrimaha la xiriira wax-soo-saarka iyo sidii shacabka Soomaaliyeed ula soo bixi lahaayeen dalagga dalka isla markaana uga faa’ideysan lahaayeen khayraadka noocyada badan ee dalkeenna ceegaaga.