Sunday, April 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo soo xiray shirka Horumarinta Caafimaadka Dalka oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka XFS oo soo xiray shirka Horumarinta Caafimaadka Dalka oo lagu qabtay Dhuusamareeb
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Dr Cali Xaaji Aadan ayaa soo xirey Shirka 5-aad ee Wadatashiga Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaraddaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka oo labadii maalin u dambeysay ka socday Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Shirka oo socday muddo labo cisho ah ayaa ahaa kii Shanaad (5) oo ay yeeshaan Wasaaraddaha Caafimaadka heer Federal iyo heer Dowlad Goboleed, taas oo looga hadlayey horumarinta qeybta Caafimaadka guud ee Dalka.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray magaalada Baydhaba

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray magaalada Baydhaba

April 26, 2026
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo booqday fariisimaha hore ee gobolka Bakool

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo booqday fariisimaha hore ee gobolka Bakool

April 26, 2026

Xiritaanka Madasha waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Dr. Maryama Maxamed Xuseen, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Guuleed Cabdijaliil, Wasiirada Caafimaadka Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya agaasimayaal iyo khuburo dhanka Caafimaadka ah.

Madasha inta ay socotay ayaa lagu lafaguray qodobo waa wayn oo horey uga soo baxay Shirarkii ka kala dhacay Puntland, Jubbaland iyo Gobolka Banaadir oo ahaa qodobo aas aas u ah horumarinta Caafimaadka iyo ka dhabeynta hiigsiga dhow ee isbadalka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.

Shirka waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay howlaha hortabinta leh ee horyaala Wasaaraddaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada  iyo wixii ka qabsoomey qodobadii horey hoosta looga xariiqey ee ay ka mid ahaayeen daadejinta barnaamijka Caafimaadka ee heer Dowlad Goboleed.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa u mahadceliyey Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug gaar ahaam bahda Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo la hayd dowrka abaabulka Shirka waxa uuna sidoo kale sheegey in Mashaariicda horyaala Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya la gaarsiin doono wasaaradaha Dowlad Goboleedya si Bulshada Soomaaliyeed u helaan adeeg Caafimaad oo dhaneystiran.

Wasaaradda Caafimaad Soomaaliya waxay si dhab ah u amba qaadi doontaa dadaaladii horey u socdey ee horumarinta Caafimaadka, iyadoo xoojin doonto wadashaqeynta ay la leedahay Maanulada ka jira Dalka.

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo Brussels kula kulmay Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub

Next Post

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo kulan la qaatay guddiga arrimaha dibadda Mareykanka

Next Post
Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo kulan la qaatay guddiga arrimaha dibadda Mareykanka

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo kulan la qaatay guddiga arrimaha dibadda Mareykanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray magaalada Baydhaba

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray magaalada Baydhaba

April 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi isugu jira wasiiro...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo booqday fariisimaha hore ee gobolka Bakool

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo booqday fariisimaha hore ee gobolka Bakool

April 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL):-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa booqday fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka ay ku leeyihiin...

Wasaaradda Hawlaha Guud oo wadda dadaallo guriyayn loogu samaynayo dadka danyarta ah iyo barakacayaasha

Wasaaradda Hawlaha Guud oo wadda dadaallo guriyayn loogu samaynayo dadka danyarta ah iyo barakacayaasha

April 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO(KENYA):-Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta ee Soomaaliya ayaa kulan ku qabatay Safaaradda Soomaaliya ee Kenya, kaas oo ay la...

Ehelada dhalinyaro ku geeriyooday badda u dhexaysa Algeria iyo Spain oo la baadi-goobayo

Ehelada dhalinyaro ku geeriyooday badda u dhexaysa Algeria iyo Spain oo la baadi-goobayo

April 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa sheegay in 17 dhallinyaro Soomaaliyeed ay ku geeriyoodeen badda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In