Sunday, August 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo soo xiray shirka Horumarinta Caafimaadka Dalka oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 25, 2023
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka XFS oo soo xiray shirka Horumarinta Caafimaadka Dalka oo lagu qabtay Dhuusamareeb
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Dr Cali Xaaji Aadan ayaa soo xirey Shirka 5-aad ee Wadatashiga Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaraddaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka oo labadii maalin u dambeysay ka socday Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Shirka oo socday muddo labo cisho ah ayaa ahaa kii Shanaad (5) oo ay yeeshaan Wasaaraddaha Caafimaadka heer Federal iyo heer Dowlad Goboleed, taas oo looga hadlayey horumarinta qeybta Caafimaadka guud ee Dalka.

Related posts

Dardar-gelinta iyo dhammeystirka habraacyada shaqo ee Xeer Ilaalinta oo laga hadlay

Dardar-gelinta iyo dhammeystirka habraacyada shaqo ee Xeer Ilaalinta oo laga hadlay

August 2, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Cismaan Cali Faarax u magacaabay xil Maareeye

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Cismaan Cali Faarax u magacaabay xil Maareeye

August 2, 2025

Xiritaanka Madasha waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Dr. Maryama Maxamed Xuseen, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Guuleed Cabdijaliil, Wasiirada Caafimaadka Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya agaasimayaal iyo khuburo dhanka Caafimaadka ah.

Madasha inta ay socotay ayaa lagu lafaguray qodobo waa wayn oo horey uga soo baxay Shirarkii ka kala dhacay Puntland, Jubbaland iyo Gobolka Banaadir oo ahaa qodobo aas aas u ah horumarinta Caafimaadka iyo ka dhabeynta hiigsiga dhow ee isbadalka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.

Shirka waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay howlaha hortabinta leh ee horyaala Wasaaraddaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada  iyo wixii ka qabsoomey qodobadii horey hoosta looga xariiqey ee ay ka mid ahaayeen daadejinta barnaamijka Caafimaadka ee heer Dowlad Goboleed.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa u mahadceliyey Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug gaar ahaam bahda Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo la hayd dowrka abaabulka Shirka waxa uuna sidoo kale sheegey in Mashaariicda horyaala Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya la gaarsiin doono wasaaradaha Dowlad Goboleedya si Bulshada Soomaaliyeed u helaan adeeg Caafimaad oo dhaneystiran.

Wasaaradda Caafimaad Soomaaliya waxay si dhab ah u amba qaadi doontaa dadaaladii horey u socdey ee horumarinta Caafimaadka, iyadoo xoojin doonto wadashaqeynta ay la leedahay Maanulada ka jira Dalka.

 







Previous Post

Madaxweynaha JFS oo Brussels kula kulmay Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub

Next Post

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo kulan la qaatay guddiga arrimaha dibadda Mareykanka

Next Post
Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo kulan la qaatay guddiga arrimaha dibadda Mareykanka

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo kulan la qaatay guddiga arrimaha dibadda Mareykanka

Dardar-gelinta iyo dhammeystirka habraacyada shaqo ee Xeer Ilaalinta oo laga hadlay

Dardar-gelinta iyo dhammeystirka habraacyada shaqo ee Xeer Ilaalinta oo laga hadlay

August 2, 2025
0

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa maanta shir la qaatay Waaxyaha Dacwad Oogista Xafiiska Xeer Ilaaliyaha...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Cismaan Cali Faarax u magacaabay xil Maareeye

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Cismaan Cali Faarax u magacaabay xil Maareeye

August 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay Mudane Cismaan Cali Faarax, inuu noqdo Maareeye...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Madaxa Xafiiska Soomaaliya ee Save the Children

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Madaxa Xafiiska Soomaaliya ee Save the Children

August 2, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’addu ku qaabilay Madaxa Xafiiska Soomaaliya...

Ciidanka NISA oo howlgal ay ka fuliyeen Afgooye kusoo qabtay labo xubnood oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo hawl ku dhabar-jebiyay dhagar-qabeyaal ka tirsan Khawaarijta

August 2, 2025
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In