Wednesday, December 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo kulan la qaatay guddiga arrimaha dibadda Mareykanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo kulan la qaatay guddiga arrimaha dibadda Mareykanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta magaalada Washington kula kulmay Guddiga Arrimaha Dibada Aqalka Golaha Wakiilada dalka Mareykanka.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii ay xiriir iyo wadashaqeyn u yeelan lahaayeen Baarlamaanada Soomaaliya iyo Mareykanka, isla-markaana ay labada baarlamaan iska kaashadaan dhinacyada horumarka.

Related posts

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

December 17, 2025
Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

December 16, 2025

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka warbixiyay shaqooyinka iyo shuruucda uu ansixiyay Baarlamaanka 11-aad, hanaanka deyn cafinta iyo dagaalka lagula jiro Khawaarijta. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ka hadlay in la fududeeyo isu socodka labada dal iyo in la abuuro xiriir ganacsi.

Guddiga Arrimaha dibadda Golaha Wakiilada dalka Mareykanka ayaa Baarlamaanka Soomaaliya ku boggaadiyay dadaalada horumarineed iyo shaqooyinka horutabinta u leh hannaanka geedi socodka dowladnimadda dalka ee ay wadaan, waxayna tilmaameen in Baarlamaanka Soomaaliya uu Mareykanka la sameeyn doono bog cusub oo iskaashi ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa ugu dambeyn u mahadceliyay Golaha Wakiilada iyo guud ahaan dowlada Mareykanka taageerada joogtada ah ay siiyaan shacabka iyo dowlada Soomaaliya. Kulamadan ayaa qeyb ka ah dadaalada uu Guddoomiyaha ugu jiro soo celinta iyo hagaajinta xirirka wadashaqeyn uu Baarlamaanka Soomaaliya la leeyahay Baarlamaanada Aduunka.

 

Previous Post

Wasiirka Caafimaadka XFS oo soo xiray shirka Horumarinta Caafimaadka Dalka oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Next Post

Golaha wasiirrada XFS oo mushaarkooda ku taageeray dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta

Next Post
Golaha wasiirrada XFS oo mushaarkooda ku taageeray dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta

Golaha wasiirrada XFS oo mushaarkooda ku taageeray dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

December 17, 2025
0

Muqdisho, Diseembar 16, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

December 16, 2025
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa magaalada Muqdisho maanta tababar uga furay ku dhowaad 90...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝟔𝟓-𝐆𝐮𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐥𝐨𝐦𝐚𝐚𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝟔𝟓-𝐆𝐮𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐥𝐨𝐦𝐚𝐚𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

December 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda xuska 65-guurada xiriirka diblomaasiyadeed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee Sweden

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee Sweden

December 16, 2025
0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Horumarinta Iskaashiga Caalamiga iyo Ganacsiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In