Tuesday, June 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 2, 2023
in Wararka
0
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga RecepTayip Erdogan ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Istanbul, waxayna ka wadahadleen xiriirka labada dal iyo xoojinta iskaashiga labada dal.

2. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium uga qaybgalay shirka Midowga Yurub iyo dalalka soo koraya waxaana uu ka jeediyay jeediyay khudbad ku saabsan marxaladda soo kabashada Soomaaliya.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalka waa furanyahay”

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalka waa furanyahay”

June 16, 2025
Wasiirka Ganacsiga oo kulan la qaatay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga oo kulan la qaatay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

June 16, 2025

3. Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Brussels kula kulmay Madaxwaynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles Michel.

4. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Mudane Cali Jeyte Cismaan u magacaabey Inuu noqdo U Qeybsanaha Xafiiska Madaxweynaha ee Arrimaha Ciidanka Difaaca Dadweynaha (Macawisleyda) ee Soomaaliya.

5. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa Xamaas aanay ahayn argagixiso, balse ay yihiin urur xornimo u dirir ah, isagoo dhanka kale ku baaqey in la dhiso dal iyo dowlad ay leeyihiin reer Falastiin.

6. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo xiray Shirweynaha Dhiirigelinta Wax Soo Saarka Dalka,waxaana uu sheegay in DFS ay ka go’an tahay dhiirigelinta iyo soo nooleynta kaabayaasha laf-dhabarka u ahaa beeraha, xoolaha, kalluumeysiga iyo tamarta.

7. Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyay miisaaniyadda dawladda ee sanadka 2024 oo hal bilyan oo dollar kor u dhaafaya.

8. Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in duulaankii ay kooxaha Khawaarijta ah ku qaadeen Waxbarashada 29-kii bishii Oktoobar ee sanadkii hore ay dowladdu ka bixisay jawaabo deg-deg ah oo ay ka mid yihiin dagaalka cadowga looga sifeynayo dalka.

9. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay madaxda Bangiga Ziraat Katilim ee laga leeyahay dalka Turkiga, kaas oo dhawaan xarun cusub ka hirgeliyey magaalada Muqdisho.

10. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qaybgalay xuska sannad guurada 100-aad ee ka soo wareegtay aas-aaska Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga.

11. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya, kaas oo looga gol-leeyahay in lagu dhiso, laguna  kobciyo isbeddelka horseedaya Horumar waara, isla markaana saldhig u noqon doona Soomaaliya xasiloon, maamul hufan leh, isla markaana  dhaqaale ahaan isku filan.

12. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Danjiraha Malaysia u qaabilsan Bariga Afrika. Ruzaimi Maxamad oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

13. Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya shacabka ayaa mar kale guulo ka soo hoyay dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al Shabab.

14. Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqey qorshe dhaqaale oo lagu taageerayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo dhan 89 million oo Euro.

15. Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa mushaharkooda bishan ugu deeqay dagaalka agu ciribtirayo Khawaarijta Al Shabaab ee ka socda qaybo ka mid ah goboladda dalka.

16. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Cabdulqaadir Maxamed Jaamac ayaa magaalada Diinsoor bulshada ku dhaqan uga warbixiyay qorshaha qaranka ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

17. Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS Mudane Axmed Moalim Fiqi ayaa ku baaqey in degdeg loo joojiyo dagaal beeleedyo ka soo cusboonaadey gobollada Shabeelaha Dhexe, Hiiraan, Galguduud iyo Mudug.

18. Wasiiro ka tirsan DFS iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeybgaley furitaanka laanta cusub ee Bankiga caalamiga ee Ziraat Katılım ee Somalia. Bankigan laga leeyahay Turkiga ayaa noqonaya kii ugu ugu horeeyay ee heerkaas ah oo dalka furo muddo ka badan 50 sanno.

19. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Nairobi kulan kula yeeshay qaar ka mid ah safiirada iyo wakiilada dalalka deeq bixiyayaasha.

20. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige  ayaa Muqdisho ka daahfuray Mashruuca Kobcinta Maamulka Kheyraadka Dadweynaha oo uu maalgelinayo Bankiga Adduunka.

21. Mas’uuliyiin  ka tirsan dowladda ayaa ka qeyb galay dibad-bax ballaaran oo lagu xusayay qaraxii bahalnimada ahaa ee 29-October 2022 magaalada Muqdisho ay ka geysatay Khawaarijta Al Shabab, kaas oo in ka badan 100 qof ay ku geeriyoodeen.

22. Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqdey inay shaqaaleyn doonto 3,000 oo macallin oo hor leh si loo xoojiyo adeegyada waxbarashada ee dalka.

23. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daud Aweys Jaamac ayaa magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kaga qeybgaley munaasabad ay heshiis iskaashi iyo wadashaqeyn ku kala saxiixdeen Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA iyo Wakaaladda Wararka Talyaaniga ee ANSA.

24. Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Mudane Dr. Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ahna Isku-Duwaha Gargaarka Bini’aadanimada George Conway.

25. Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa magacaabay guddiga qabanqaabada ciyaaraha dowlad goboleedyada ee sannadka 2023-2024.

26. Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Anas, ayaa horgeeyey Golaha Wasiirrada warbixinta sannad maaliyadeedka 2022 oo ah mid ahmiyad gaar ah u leh dalka iyo nidaamka dhaqaalaha waddanka.

27. U-qaybsanaha xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha ciidanka deegaanka Mudane Cali Jeyte ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u diyaar-garoobaan  dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

28. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa kulan la qaatay Sii-Hayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya A.I Shane Dixon, iyagoo ka wadahadley kor u qaadista taageerada ciidanka.

29. Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha Mudane Maxamed Cali Xagaa ayaa shir gudoomiyey kulanka dar-dargelinta amniga caasimadda.

30. Ciidanka kumaandooska Danab ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa gacanta ku dhigay Abshir Mowliid Axmed oo katirsan Khawaarijta kaas oo bam gacmeed ku weeraray fariisin ciidanku leeyihiin.



Previous Post

Maxkamadda CQS oo xukunno kala duwan ku riday Sheegow iyo maleeshiyo uu watay

Next Post

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Next Post
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalka waa furanyahay”

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalka waa furanyahay”

June 16, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Madasha Wadatashiga Qaran oo looga arrinsanayo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka,...

Wasiirka Ganacsiga oo kulan la qaatay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga oo kulan la qaatay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

June 16, 2025
0

Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Axmed Aadan Geesood ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya...

Somalia Concludes Participation in the 113th International Labour Conference and Condemns Malicious Campaign

Somalia Concludes Participation in the 113th International Labour Conference and Condemns Malicious Campaign

June 16, 2025
0

The Somali delegation led by the Minister of Labour and Social Affairs Hon. Yusuf Mohamed Adan has concluded its participation...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda uu dib u dhis ka socdo

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda uu dib u dhis ka socdo

June 16, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa maanta kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In