Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Daraawiishta Booliska oo howlgallo amni xaqiijin ah ka wada deegaanno ka tirsan Sh/Dhexe

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Ciidamada Daraawiishta Booliska oo howlgallo amni xaqiijin ah ka wada deegaanno ka tirsan Sh/Dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Daraawiishta Booliska iyo kuwa Nabadsugida Qaranka ayaa howlgal Amni xaqiijin ah ka sameeyay Deegaanno hoostaga degmada Cadale oo dhawaan dagaal beeleedyo ay ka dhaceen.

Deegaannadaas ayaa dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay waxaa ka taagnaa dagaal beeleedyo u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed oo walaalo ah, kuwaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac iyo barakac.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Ciidamada Darawaashita Booliska iyo kuwa Hay’adda NISA ayaa ku guuleystay in gacanta lagu dhigo tiro maleeshiyo beeleed ah oo dagaal ku dhexmaray deegaanno hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale, ciidamada Daraawiishta Booliska iyo kuwa NISA ayaa si wadajir ah howlgal xasillin ah uga sameeyay deegaannada kala ah Xaaji Cali, Caddow-uul, Geel Gub, Ceel Muluq, Ceel xaashi iyo deegaanno kale oo dhawaan lagu dagaallamay qaarkoodna la gubay oo dab la qabad-siiyay.

Saraakiisha ugu sareysay ciidamada Daraawiishta ayaa qeyb ka ahaa howlgalka oo uu ugu horeeyo Generaal Cabdullaahi Mire oo ah taliyaha ciidamada Daraawishta, Dhamme Cabdullaahi Yuusuf Kheyre oo ah taliyaha ururka 3-aad Daraawishta ee ka howlgala Shabeellaha Dhexe, sidoo kale saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan ayaa waxaa ka mid ah Dhamme Xaashi Maxamuud oo ah taliyaha ururka 1-aad oo ka howlgala gobolka Shabeellaha hoose, balse hadda ku sugan Shabeellaha dhexe iyo Gaashaanle Abuukar Cabdulle Raage oo ah abaanduulaha guutada 1-aad ee Daraawiishta.

Deegaanka Caddow-uul iyo deegaannada kale ee lagu dagaallamay hadda waxaa ku sugan ciidamada Daraawiishta, kuwaas oo shacabka ku dhaqan deegaannadaas ay si weyn u soo dhoweeyeen ciidanka qaranka oo sugaya amnigooda, diyaarna u ah in ay ka qabtaan cadowga ummadda iyo kuwa ugu soo dhex dhuumanaya si ay u qal qal-geliyaan amniga iyo horumarka ay haystaan

 

Previous Post

Agaasimayaasha guud ee Wasaaraddaha oo kullan uga furmay Muqdisho 

Next Post

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo qaabilay Safiirka Norway ee Soomaaliya  “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo qaabilay Safiirka Norway ee Soomaaliya  “SAWIRRO”

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo qaabilay Safiirka Norway ee Soomaaliya  "SAWIRRO"

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In