Thursday, June 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kormeeray goobihii ay Biyo dhigeen Roobabkii ka da’ay Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
November 11, 2023
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kormeeray goobihii ay Biyo dhigeen Roobabkii ka da’ay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeer ku tagay goobaha ay biyo dhigeen roobabkii daadadka watay ee ka da’ay Magaalada Muqdisho, asigoona warbixin ka dhageystay Guddiga maareynta & xal u helida saameynta uu reebay Roobabkaasi.

Guddiga ayaa sheegay in inta badan goobihii ay biyo dhigeen roobabkii daadadka watay ee ka da’ay Magaalada la maareeyay, goobaha harsanna la maareyn doonno waqtiyada soo socda, iyadoona sidoo kale ay socdaan shaqooyinka dib-usoo celinta bilicda iyo Nadaafada Magaalada Muqdisho.

Related posts

Wasiir Al-Cadaala oo ka hadlay guulaha laga gaaray dagaalka khawaarijta

Wasiir Al-Cadaala oo ka hadlay guulaha laga gaaray dagaalka khawaarijta

June 19, 2025
Wasiir Cali Xoosh “Dowladdu way dhistay Guddiga Doorashooyinka Qaranka balse ma fara-gelinayso shaqadooda.”

Wasiir Cali Xoosh “Dowladdu way dhistay Guddiga Doorashooyinka Qaranka balse ma fara-gelinayso shaqadooda.”

June 19, 2025

Duqa Magaalada ayaa faray Guddiga in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu shaqeeyo goobaha ay biyo dhigeen roobabka daadadka watay ee ka da’ay Magaalada Muqdisho, sidoo kale in dib loo soo celiyo bilicda Caasimadda iyo in la gar-gaaro dadka ay saameynta ku yeesheen roobabkii da’ay.

Ugu danbeyn Duqa Muqdisho ayaa Guddiga heer Gobol ugu baaqay in loo diyaar garoobo Allaha naga najeeyee xaalad kasta oo soo kordha taasi oo ku saabsan saadaasha laga bixinayo roobabka daadadka wata ee El-Nino oo weli kusoo wajahan qeybo ka mid ah dalka.

Previous Post

Ra”iisul wasaare Xamse: Xukuummadda Dan-qaran waxa ka go’an tayaynta Ciidanka Booliiska

Next Post

Madaxweynaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya 

Next Post
Madaxweynaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya 

Madaxweynaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya 

Wasiir Al-Cadaala oo ka hadlay guulaha laga gaaray dagaalka khawaarijta

Wasiir Al-Cadaala oo ka hadlay guulaha laga gaaray dagaalka khawaarijta

June 19, 2025
0

Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo hadal ka jeediyay munaasabad ama kulan looga hadlayay lagu soo bandhigayay dareenka dhibanayaasha Khawaarijta oo...

Wasiir Cali Xoosh “Dowladdu way dhistay Guddiga Doorashooyinka Qaranka balse ma fara-gelinayso shaqadooda.”

Wasiir Cali Xoosh “Dowladdu way dhistay Guddiga Doorashooyinka Qaranka balse ma fara-gelinayso shaqadooda.”

June 19, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), ayaa sheegay in dowladda Federaalka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

June 18, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ka qeyb galay Shirka Gogosha...

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

June 18, 2025
0

Ugu yaraan 25 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaarijta ayaa lagu dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay, kadib howlgal qorsheysan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In