Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa maanta booqasho ku tagay Warshadda weyn ee Cocacola oo soo saarta noocyada kala duwan ee biyaha, iyo cabitaanada taas oo ku taala duleedka magaalada Muqdisho, waxaana ujeedka booqashadani khuseeyaa dhiirigelinta maalgashiga ganacsatada Soomaaliyeed ay ka samaynayaan gudaha wadanka taas oo kor u qaadaysa dhinacyada wax-soo-saarka, shaqo abuurka, iyo kobaca dhaqaalaha inta ba.
Wasiirka oo booqashadiisan uu ku wehelinayey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xildhibaan Osman Mohamed Abdi(Daallo), ayaa waxay halkaas ugu kuur-galeen noocyada wax soo saarka Warshadda,qeybaha cusub ee lagu soo kordhiyey, iyo inay wax ka oggaadaan sidoo kale na la socdaan heerka uu gaarsiisan yahay daboolista baahida suuqa oo ah mid aad ugu filan dalka. Iyaga oo qeyb qeyb u soo indho indheeyey sidoo kale na halkaas lagu siiyey warbixino la xiriira habsami u socodka shaqada iyo wax soo saarka inta ba.
Maamulaha Guud ee shirkadda Cococola Mudane Cawil Tooxow Qeyre, oo Wasiirada halkaas ku soo dhaweeyey, ayaa wuxu ugu horreyn sheegay inay ka ganacsato ahaan ku faraxsan yihiin booqashada ay ugu yimaadeen Wasiiradu, waxaana uu yiri: “Waxa sharaf weyn noo ah in maanta Warshaddan cusub uu nagu soo booqday Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, runtii sharaf weyn ayey noo tahay, waa mas’uulkii ugu horreeyey ee heerkaa dawladdeed ee Wasiir jooga uu nagu soo booqdo dhismahan baaxadda weyn ee shirkadda Cocacola ay ugu talo-gashay in laug soo saaro cabitaano kala duwan”.
Maamulahu, wuxu sidoo kale sheegay in ka Warshad ahaan ay soo kordhiyeen qeybo cusub oo ka tirsan Warshadda Cococola isla-mar-ahaantaana ay hada ku filan yihiin daboolista baahida ka jirta suuqa oo ay soo saari karaan dhammaan qeybaha kala duwan noocyada cabitaanada.
“Runtii waxyaabo badan baanu ka fekernay oo Warshadda banaanka ayaanu uga soo saarnay magaalada, waxaana aanu samaynay oo aanu keenay Warshad weyn oo ku filan ama dabooli karta baahida macaamiisheena”. Ayuu yiri Mudane Cawil Tooxow.
Wasiirka Wasaaradda Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi oo isagu na dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa wuxu boggaadiyey in ganacsatadan Soomaaliyeed ay ku dhiiratay inay Maalgashadaan dalkooda oo ay daboolaan baahida ka jirta suuqa.
“Runtii maanta aad baanu ugu faraxsanahay in aanu soo booqano oo aanu aragno meesha ay marayso dhismaha Warshaddan, waa ganacsato Soomaaliyeed oo runtii ku dhiiratay inay lacag intaa leeg ay dalka geliyaan, wixii loo baahnaana ay maalgashtaan oo cabitaanka dalka ina la horumariyo”. Ayuu yiri Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi
Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata, ayaa wuxu sidoo kale baaq u diray guud ahaan ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka, waxaana uu ku dhiirigeliyey inay Maalgashadaan wadankooda gaar ahaan dhinacyada Warshadaha si kor looggu qaado dhinacyada wax soo saarka, shaqo abuurka iyo kobaca dhaqaalaha inta ba, waxaana uu yiri.
“Sidoo kale, waxa aan rabaa in aan ganacsatada Soomaaliyeed ku dhiirigeliyo inay sidan oo kale ugu dhiiradaan inay xooga saaraan wax soo saarka gudaha, waxa aad moodaa in dadka ay inta badan ku mashquulsan yihiin meelo kale inay wax ka keenaan laakiin waxa aan rabnaa in aanu ganacsatada ugu baaqno inay hada ka dib ay u soo jeestaan inay dalkooda maalgashtaan gaar ahaan warshadaha sababtoo ah imika warshadan iyo qeybtii hore ee aan soo marnay ba waxa ka shaqeeya kuman yaal qof, sidoo kale, waxay kor u qaadi doontaa wax soo saarkii dalka, runtii na aad baan ugu faraxsanahay ugu na dhiirigelinaynaa”.