Monday, August 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka ganacsiga Soomaaliya oo booqday Warshadda Cabitaanada Cocacola ee Muqdishoย 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka ganacsiga Soomaaliya oo booqday Warshadda Cabitaanada Cocacola ee Muqdishoย 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa maanta booqasho ku tagay Warshadda weyn ee Cocacola oo soo saarta noocyada kala duwan ee biyaha, iyo cabitaanada taas oo ku taala duleedka magaalada Muqdisho, waxaana ujeedka booqashadani khuseeyaa dhiirigelinta maalgashiga ganacsatada Soomaaliyeed ay ka samaynayaan gudaha wadanka taas oo kor u qaadaysa dhinacyada wax-soo-saarka, shaqo abuurka, iyo kobaca dhaqaalaha inta ba.

Wasiirka oo booqashadiisan uu ku wehelinayey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xildhibaan Osman Mohamed Abdi(Daallo), ayaa waxay halkaas ugu kuur-galeen noocyada wax soo saarka Warshadda,qeybaha cusub ee lagu soo kordhiyey, iyo inay wax ka oggaadaan sidoo kale na la socdaan heerka uu gaarsiisan yahay daboolista baahida suuqa oo ah mid aad ugu filan dalka. Iyaga oo qeyb qeyb u soo indho indheeyey sidoo kale na halkaas lagu siiyey warbixino la xiriira habsami u socodka shaqada iyo wax soo saarka inta ba.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐ฐ๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐œ๐š๐š๐ฐ๐š ๐ฅ๐š ๐œ๐š๐ฐ๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฌ๐ก๐š๐œ๐š๐›๐ค๐š ๐‹๐š๐š๐ฌ๐š๐œ๐š๐š๐ง๐จ๐จ๐

August 2, 2026
Laba-Xidigle Maxamed Cabdullaahi oo loo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS

Laba-Xidigle Maxamed Cabdullaahi oo loo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS

August 2, 2026

Maamulaha Guud ee shirkadda Cococola Mudane Cawil Tooxow Qeyre, oo Wasiirada halkaas ku soo dhaweeyey, ayaa wuxu ugu horreyn sheegay inay ka ganacsato ahaan ku faraxsan yihiin booqashada ay ugu yimaadeen Wasiiradu, waxaana uu yiri: โ€œWaxa sharaf weyn noo ah in maanta Warshaddan cusub uu nagu soo booqday Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, runtii sharaf weyn ayey noo tahay, waa masโ€™uulkii ugu horreeyey ee heerkaa dawladdeed ee Wasiir jooga uu nagu soo booqdo dhismahan baaxadda weyn ee shirkadda Cocacola ay ugu talo-gashay in laug soo saaro cabitaano kala duwanโ€.

Maamulahu, wuxu sidoo kale sheegay in ka Warshad ahaan ay soo kordhiyeen qeybo cusub oo ka tirsan Warshadda Cococola isla-mar-ahaantaana ay hada ku filan yihiin daboolista baahida ka jirta suuqa oo ay soo saari karaan dhammaan qeybaha kala duwan noocyada cabitaanada.

โ€œRuntii waxyaabo badan baanu ka fekernay oo Warshadda banaanka ayaanu uga soo saarnay magaalada, waxaana aanu samaynay oo aanu keenay Warshad weyn oo ku filan ama dabooli karta baahida macaamiisheenaโ€. Ayuu yiri Mudane Cawil Tooxow.

Wasiirka Wasaaradda Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi oo isagu na dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa wuxu boggaadiyey in ganacsatadan Soomaaliyeed ay ku dhiiratay inay Maalgashadaan dalkooda oo ay daboolaan baahida ka jirta suuqa.

โ€œRuntii maanta aad baanu ugu faraxsanahay in aanu soo booqano oo aanu aragno meesha ay marayso dhismaha Warshaddan, waa ganacsato Soomaaliyeed oo runtii ku dhiiratay inay lacag intaa leeg ay dalka geliyaan, wixii loo baahnaana ay maalgashtaan oo cabitaanka dalka ina la horumariyoโ€. Ayuu yiri Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi

Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata, ayaa wuxu sidoo kale baaq u diray guud ahaan ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka, waxaana uu ku dhiirigeliyey inay Maalgashadaan wadankooda gaar ahaan dhinacyada Warshadaha si kor looggu qaado dhinacyada wax soo saarka, shaqo abuurka iyo kobaca dhaqaalaha inta ba, waxaana uu yiri.

โ€œSidoo kale, waxa aan rabaa in aan ganacsatada Soomaaliyeed ku dhiirigeliyo inay sidan oo kale ugu dhiiradaan inay xooga saaraan wax soo saarka gudaha, waxa aad moodaa in dadka ay inta badan ku mashquulsan yihiin meelo kale inay wax ka keenaan laakiin waxa aan rabnaa in aanu ganacsatada ugu baaqno inay hada ka dib ay u soo jeestaan inay dalkooda maalgashtaan gaar ahaan warshadaha sababtoo ah imika warshadan iyo qeybtii hore ee aan soo marnay ba waxa ka shaqeeya kuman yaal qof, sidoo kale, waxay kor u qaadi doontaa wax soo saarkii dalka, runtii na aad baan ugu faraxsanahay ugu na dhiirigelinaynaaโ€.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan deg-deg ah la yeesheen Golaha Wasiirrada

Next Post

EAC membership will usher in a new era of hope, stability& prosperity for Somalia, bloc

Next Post
Warbixin: Xubinimada EAC waxay Soomaaliya iyo Gobalkaba u horseedi doontaa waa cusub oo Rajo, Xasilooni iyo Barwaaqo

EAC membership will usher in a new era of hope, stability& prosperity for Somalia, bloc

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐ฐ๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐œ๐š๐š๐ฐ๐š ๐ฅ๐š ๐œ๐š๐ฐ๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฌ๐ก๐š๐œ๐š๐›๐ค๐š ๐‹๐š๐š๐ฌ๐š๐œ๐š๐š๐ง๐จ๐จ๐

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐ฐ๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐œ๐š๐š๐ฐ๐š ๐ฅ๐š ๐œ๐š๐ฐ๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฌ๐ก๐š๐œ๐š๐›๐ค๐š ๐‹๐š๐š๐ฌ๐š๐œ๐š๐š๐ง๐จ๐จ๐

August 2, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo safar shaqo u joogo magaalada Laasacaanood ee xarunta Waqooyi...

Laba-Xidigle Maxamed Cabdullaahi oo loo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS

Laba-Xidigle Maxamed Cabdullaahi oo loo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS

August 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa Laba-xidigle Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan u magacaabay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Magacaabistan...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ๐ƒ๐š๐š๐ก๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐€๐ช๐จ๐จ๐ง-๐ข๐ฌ-๐ฐ๐ž๐ฒ๐๐š๐š๐ซ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐…๐ฎ๐๐ฎ๐๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š (๐๐“๐…๐‚)

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Aqoon-is-weydaarsiga Istaraatiijiyadda iyo...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY KALFADHIGA 8-AAD EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la magacaabay

August 2, 2026
0

Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In