Saturday, January 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Guddoomiyay shir ku saabsan Amniga iyo howlgalka xoreynta dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Guddoomiyay shir ku saabsan Amniga iyo howlgalka xoreynta dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Saraakiisha iyo Taliyeyaasha Ciidamada oo uu kala hadlay xaaladda amni ee dalka.

Madaxweynaha oo ka dhagaystay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka warbixin ku saabsan wajiga koowaad ee howlgalka xoreynta ayaa tilmaamay in hirgalinta qorshaha mudada dhow ay horseedayso  guulaha ay sugayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan ciribtirka Khawaarijta.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh “Laascaanood waa magaaladii midnimada Soomaaliya, waa astaantii midnimada, waa astaantii Soomaalinimada”

Madaxweyne Xasan Sheekh “Laascaanood waa magaaladii midnimada Soomaaliya, waa astaantii midnimada, waa astaantii Soomaalinimada”

January 17, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo adkeeyay muhiimadda Difaaca Dalkeenna

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo adkeeyay muhiimadda Difaaca Dalkeenna

January 17, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey naf-hurnimada Ciidanka Soomaaliyeed ee u istaagay xoreynta deegaannada ay argagixisadu kaga harsan yihiin dalka, waxa uuna xusay in abaabulka xoogagga dadweynaha ay wax weyn ka tari doonto halganka.

Kulankan waxaa ka qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxuyadiin iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin.

Previous Post

10 ruux oo Beladweyne ugu geeriyootay  fatahaadda Webiga Shabeelle

Next Post

Bacaadweyne oo lagu soo bandhigay Ciidamo ka qayb noqonaya la dagaalanka Khawaarijta

Next Post
Bacaadweyne oo lagu soo bandhigay Ciidamo ka qayb noqonaya la dagaalanka Khawaarijta

Bacaadweyne oo lagu soo bandhigay Ciidamo ka qayb noqonaya la dagaalanka Khawaarijta

Madaxweyne Xasan Sheekh “Laascaanood waa magaaladii midnimada Soomaaliya, waa astaantii midnimada, waa astaantii Soomaalinimada”

Madaxweyne Xasan Sheekh “Laascaanood waa magaaladii midnimada Soomaaliya, waa astaantii midnimada, waa astaantii Soomaalinimada”

January 17, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo adkeeyay muhiimadda Difaaca Dalkeenna

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo adkeeyay muhiimadda Difaaca Dalkeenna

January 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kala qeyb-galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, munaasabadda caleemo-saarka...

SAWIRRO:CALEEMA-SAARKA MADAXWEYNAHA MAAMULKA WAQOOYI BARI

SAWIRRO:CALEEMA-SAARKA MADAXWEYNAHA MAAMULKA WAQOOYI BARI

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Munaasabad ballaaran oo si heer qaran ah loo soo agaasimay kana qayb galayaan madaxda ugu sarreysa ee dalka,ayaa maanta...

Munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Waqooyi Bare oo lagu qabanayo Laascaanood

Munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Waqooyi Bare oo lagu qabanayo Laascaanood

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi bari ka qabsoomaya munaasabada caleemo saarka Madaxda dowlad gobolleedka Waqooyi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In