Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa maanta Maamulka Isbitaalka Madiina kala wareegtay Daawoyin,Teendhooyin iyo maro kaneeco oo loogu talagalay in la gaarsiyo Shacabka fatahaadaha ay sameenta ka soo gaareen.
Agaasimaha Isbitaalka Madina Dr. Maxamed Cabdiraxmaan Jaamac (Burtuqal) iyo Agaasimaha Caafimaadka Dr. Cabdullahi Axmed Muuse (Fanax) ayaa goob joog ahaa Munaasabada wareejinta Daawooyinka iyo Teendhooyinka.