Monday, March 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Caalamka, Hay’adaha Caalamiga iyo siyaasiyiin soo dhaweeyay ku biiritaanka Soomaaliya ee EAC

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomay kursiga xubinnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyneyaasha dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ( Kenya, Tanzania, Uganda, Jamhuuriyadda Demoqraadiga Congo, Burundi, Rwanda iyo Koonfuurta Sudan) ayaa Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, shacabka iyo dowladda ugu hambalyeeyay ku biiritaanka Soomaaliya ee Urur Goboleedka EAC.

Waxay madaxdan bogaadiyeen horumarka iyo dib u soo kabashada dariiqa toosan ku socota ee Soomaaliya ee horseedday in looga maarmi waayo ku biiritaanka EAC, iyo inay Soomaaliya door ku yeelato arrimaha masiiriga ee gobolka.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 16, 2026
Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026

Waxaa hambalyo taas la mid ah ay ka timid Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee Urur Goboleedka Bariga Afrika, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, Bankiga Adduunka, UK iyo dalal kale.

Madaxweynihii hore ee DKMG ee Soomaaliya Mudane Sharif Sheekh Axmed, Raiisul Wasaareyaashii hore Cali Maxamed Geeddi, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, Xasan Cali Kheyre iyo Maxamed Xuseen Rooble, ayaa iyaguna soo dhoweeyay ku biiritaanka Soomaaliya ee EAC, iyagoo dhanka kale tilmaamey in talaabadan ay fursad ugu jirto Soomaaliya iyo dalalka gobolka intaba.

Soomaaliya ayaa Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika si rasmi ah shaley xubin uga noqotey, kadib markii madaxda ururka ay aqbaleen codsiga Soomaaliya.

Previous Post

R/W Xamse oo kulan la qaatay Golahiisa ayaa kala hadlay u diyaargarowga Shirka Isbeddelka Cimilada 

Next Post

Ruushka oo Muqdisho soo gaarsiinaya Markab sida shixnad gargaar ah

Next Post
Ruushka oo Muqdisho soo gaarsiinaya Markab sida shixnad gargaar ah

Ruushka oo Muqdisho soo gaarsiinaya Markab sida shixnad gargaar ah

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 16, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

March 15, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee, oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maanta magaalada Baydhabo waxa ay ka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

March 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta SoDMA ku qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In