Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dul istaagay baaxadda dhibaatada Roobabka El-nino ee soo gaartay deegaannada Jubbaland

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dul istaagay baaxadda dhibaatada Roobabka El-nino ee soo gaartay deegaannada Jubbaland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa booqday deegaanka Lugloow ee ay ku soo baraceen dadka ay guryahoodii daadadku qaadeen iyo duleedka Yoontooy oo kamid ah meelaha ay daadadku xireen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dul istaagay burburka ku yimid jidadka isku xira deegaannada iyo caqabadaha nololeed ee la soo gudboonaatay dadka deegaanka, waxa uuna sheegay in Jubbaland ay tahay dowlad-goboleedka ay dhibaatada ugu ballaaran ay ka soo gaartay roobabka daadadka wata ee El-nino.

Related posts

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

January 12, 2026
Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

January 12, 2026

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa muujiyey sida uu uga muragaysan yahay xaaladda adag ee soo food-saartay kumannaan qoys oo ku dhibaataysan deegaannadan, kuwaas oo ay barakiciyeen daadadku, xoolihii iyo dalagyadii beerahana ay ka galaafteen, waxa uuna ugu baaqay dadka Soomaaliyeed iyo hey’adaha gargaarka in ay u kacaan gurmad, si le eg baaxadda dhibaatadan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa ka digay xaalad caafimaad darro oo ka dhalata goobaha lagu bara kacay, maadaama aysan haysan biyo nadiif ah, isla markaana ay halis ugu jiraan cudurrada ka dhasha biyaha, waxa uuna faray Hey’adaha Heer Federaal ee gurmadka iyo adeegyada bulshada in ay dardar-geliyaan doorkooda ku aaddan samatabixinta dadkeenna Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa kormeerka ku wehelinayey Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno iyo masuuliyiin ka tirsan Dowlad-goboleedka Jubbaland.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ergay gaar ah oo u qaabilsan Xasilinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka

Next Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo si diirran loogu soo dhaweyeyey Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Hirshabeelle oo si diirran loogu soo dhaweyeyey Muqdisho “SAWIRRO”

Madaxweynaha Hirshabeelle oo si diirran loogu soo dhaweyeyey Muqdisho "SAWIRRO"

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

January 12, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, si...

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

January 12, 2026
0

Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka YH-da Israa’iil ay kula kacday midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ee khawaarijtii …..

January 12, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ay dhigan jireen khawaarijtii laga xoreeyey deegaanka Jilib marka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In