Wasaaradda arrimaha dibadda Qatar, ayaa ku dhawaaqday in Xabbad joojintii Marinka Qaza lagu kordhiyay laba maalmood oo dheeri ah, iyadoo la raacayo shuruudo la mid ah xabbad joojintii hore.
Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Qatar, Majed Al-Ansaari, ayaa sheegay in dhexdhexaadin ka dib Xamaas iyo Isra’iil, lagu qanciyay in xabbad joojintii hore lagu kordhiyo muddo laba maalin ah.
Labada dhinac ayaa ku heeshiiyay xabbad joojin laba maalin ah iyo in Xamaas ay sii dayaan 50 Maxbuus oo Israa’iiliyiin ah, iyagoo ku beddelanayo 150 Falastiiniyiin ah oo ku jiray xabsiyada Israa’iil, sidokale labadan maalin waxaa sidisii u sii socon doona gargaar bani’aadannimo ee Qaza.