Ururka 48aad guutada 10-aad Qaybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga dalka ee fadhigoodu yahay magaalada Buurdhuubo ayaa howlo samata-bixin ah u sameeyay shacabka ay saameeyeenΒ fatahaaduhu.
Ciidankaan ayaa shacabka u sameeyey gurmad, iyaga oo dadka ka soo daabulayey goobaha ay ku goβdoosan yihiin ee ka tirsan magaaladaΒ Buurdhuubo ee gobolka Gedo ee dowlad Gobaleedka Jubbaland.
Magaalada Buurdhuube waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ay saameenta ku reebeen fatahaadaha ka dhashay Roobabkii ka daβay guud ahaan gobollada dalka, xilli ay goβday Buundadii magaalada oo ay ahayd marin ay isticmaalaan dadka ku dhaqan magaalada.
Raβiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo bishii hore booqasho ku tagay gobolka Gado ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku dhiseyso Buundooyinka ku burburay fatahaadaha.











