Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa gaaray magalada kismaayo ee Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Guddoomiyaha ayaa waxaa safarka ku weheliyay Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka BJFS, waxaana Garoonka Diyaaradaha Sayid Cabdulle Xasan ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha barlamaanka Jubbaland, Wasiiro katirsan Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Intaasi kadib Guddoomiyaha ayaa loo soo galbiyay dhanka Madaxtooyada Jubbaland waxaana ku soodhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed madowe)
Guddoomiye Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo waxa uu ukuurgali Doonaa xaaladaha beni’aaddannimo ee ka dhalatay daadadka El-nino oo saameyn xooggan ku yeeshay deegaannada Dowlad Goboleedka Jubbaland
Ugu danbeeyn Guddooniyaha ayaa uga mahadceliyey Dowlad goboleedka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada soo dhaweynta baaxadda lah ee u sameeyeen.