Xubno ka socday Guddiga OLolaha Hooyo Badbaadi Hal Qoys oo ay soo magacaawday Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ayna hor kaceeyso Guddoomiyaha Guddiga Amina-keyf Axmed Samatar ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta dhexe ee SoDMA.
Guddigan ayaa ka shaqeeyn doona abaabulka iyo taakuleynta dadka Soomaaliyeed ee ay saameeysay fatahaadaha El nino si loo garab istaago caruurta iyo hooyooyinka Soomaaliyeed ee ku sugan duruufaha adag kuwaas oo aan haysan hoy iyo cunto midna.
Guddiga waxaa xarunta dhexe ee SoDMA ku soo dhaweeyey Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Dr. Axmed Cabdi Aadan waxaana kulankaan inta uu socday Guddiga lala wadaagay warbixinta guud iyo sameeynta fatahaada El-Niño ka dhalatay taas oo sameeysay dalka si guud, gargaarka lala gaaray iyo baahida gargaarka ee wali jirta.
Guddiga Ololaha Hooyo Badbaadi Hal Qoys ayaa soo dhaweeyay howlaha baaxadda leh ee Hay’adda SoDMA ka waddo gurmadka Fatahaadaha #ElNiño , sidoo kalana soo dhaweeyay in si joogta ah loola wadaago xogaha dadka ay saameeyeen fatahaadaha iyo daadadka isla-markaana la isla kaashado sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadkaas fatahaadaha iyo daadadka ElNiño ay sameyeen oo ay ugu horreeyaan caruurta iyo hooyooyinka Soomaaliyeed.