Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa maalinnimadii Shalay si aqlabiyad leh ugu codeeyay qaraar ku baaqaya xabad joojin degdeg ah oo laga gaaro marinka Qaza, maalmo uun ka dib markii Golaha Ammaanku ay ku guuldareysteen wax ka qabashada dagaalka gardarada ah ee ay Isra’iil ka waddo marinka Qaza.
153 dal ayaa u codeeyay qaraar ay soo diyaarisay Dowladda Masar oo wakiil ka aheed Ururka Iskaashiga iyo dowladaha Carabta, Maraykanka iyo Israa’iil ayaa ka soo horjeestay qaraarkan, iyadoo ay weheliyaan 8 waddan, waxaana ka aamusay 23 waddan.
Go’aankan ayaa ka dhigan cadaadis caalami ah oo la saaraya xukuumadda Washington, taasi oo keentay in Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu hoggaamiyaha Israa’iil ugu baaqo in uu go’aan adag ka qaato dhismaha Xukuumadiisa.
Joe Biden, ayaa Netanyahu u soo jeediyay in uu isbedel balaaran ku sameeyo dhismaha Xukuumadiisa iyo hoggaanka xisbiga Likud ee hadda ka taliya Isra’iil.