Wednesday, October 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan ku saabsan Teknolojiyadda casriga ah oo lagu qabtay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Kulan ku saabsan Teknolojiyadda casriga ah oo lagu qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Isgaarsiinta Iyo Teknoolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho maanta ku qabatay kulan wadatashi ah oo ku saabsan siyaasadda adeegsiga Tiknoolojiyadda casriga ah (Digital Inclusion).

Kulankaan oo lagu gorfeeyay siyaasadda adeegsiga tiknoolojiyadda casriga ah (Digital Inclusion),  oo ay soo agaasintay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb-galay Xubno ka socday Hay’adaha dowladda, Ururrada bulshada rayidka, shirkadaha ka shaqeeyo Arrimaha Isgaarinta, bahda Waxbarshada iyo dadka nugal ee baahiyaha gaarka ah qaba.

Related posts

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

October 15, 2025
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

October 15, 2025

Khubarada soo diyaariyay siyaasadda adeegsiga Tiknoolojiyadda casriga oo ka taageeray Wasaaradda ee kala ah Asal solutions iyo KCL ayaa soo bandhigay ahmiyadda dalkeennu u leedahay Adeegga Tiknoolojiyad Casri ah oo loo dhan-yahay, waxay dul istaageen habraacyada loo jiheynayo in guud ahaan waddanka laga hirgeliyo adeeggan muhiimka ah, Iyada oo mudnaan gaar ah la siinayo bulshada qeybaheeda kala duwan, Sida; dadka reer guuraga ah, dadka baahiyaha gaarka ah qabo, haweenka, dhallinyrada aan gaarin da’da qaangaarnimada iyo caqadaha hortaagan hannankii xal loogu heli lahaa.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicasiis Duwane Isaaq oo furay shirka ayaa sheegay in looga fadhiyo xubnaha ka qeyb-galay in dood adag ka yeeshan isticmaalka Adeega Teknoolojiyadda casriga ah iyo in ay noqoto mid sare  oo xowli ah isla markaana caqadabaha iyo xalalka xooga la saaro inta madasha ay socoto.

“Siyaasaddan waxay horsed fiican u noqon doontaa sidii waddanka oo dhan iyo dadkeena oo dhan ay qayb uga noqon lahaayeen isbedelka teknoolojiyaddu oo noloshooda door weyn kaga jirto” Ayuu sheegay Mudane Cabdiasiis.

Ugu dambeyn, ka qeyb-galayaasha ayaa ku biirayay Siyaasadda talooyin iyo aragtiyo dhaxal gal u ah hore-u-socdka siyaasadda adeegsiga tiknoolojiyadda casriga ah.


Previous Post

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo la kulmay Madaxa howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Next Post

Madaxweynaha JFS oo dalka dib ugu soo laabtay

Next Post
Madaxweynaha JFS oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha JFS oo dalka dib ugu soo laabtay

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

October 15, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa ku heshiiyay in baasaboorada diblumaasiga ee labada dal laga dhaafo shuruudda dal-ku-galka, kaddib...

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

October 15, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa maanta ka qeyb galay Shirka 72-aad...

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

October 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa ka qeybgalay Shirka...

Duqa Muqdisho oo vasho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

Duqa Muqdisho oo vasho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

October 15, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xalay casho sharaf ku maamuusay Guddoomiyaha Golaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In