Thursday, September 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan ku saabsan Teknolojiyadda casriga ah oo lagu qabtay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Kulan ku saabsan Teknolojiyadda casriga ah oo lagu qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Isgaarsiinta Iyo Teknoolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho maanta ku qabatay kulan wadatashi ah oo ku saabsan siyaasadda adeegsiga Tiknoolojiyadda casriga ah (Digital Inclusion).

Kulankaan oo lagu gorfeeyay siyaasadda adeegsiga tiknoolojiyadda casriga ah (Digital Inclusion),  oo ay soo agaasintay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb-galay Xubno ka socday Hay’adaha dowladda, Ururrada bulshada rayidka, shirkadaha ka shaqeeyo Arrimaha Isgaarinta, bahda Waxbarshada iyo dadka nugal ee baahiyaha gaarka ah qaba.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026

Khubarada soo diyaariyay siyaasadda adeegsiga Tiknoolojiyadda casriga oo ka taageeray Wasaaradda ee kala ah Asal solutions iyo KCL ayaa soo bandhigay ahmiyadda dalkeennu u leedahay Adeegga Tiknoolojiyad Casri ah oo loo dhan-yahay, waxay dul istaageen habraacyada loo jiheynayo in guud ahaan waddanka laga hirgeliyo adeeggan muhiimka ah, Iyada oo mudnaan gaar ah la siinayo bulshada qeybaheeda kala duwan, Sida; dadka reer guuraga ah, dadka baahiyaha gaarka ah qabo, haweenka, dhallinyrada aan gaarin da’da qaangaarnimada iyo caqadaha hortaagan hannankii xal loogu heli lahaa.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicasiis Duwane Isaaq oo furay shirka ayaa sheegay in looga fadhiyo xubnaha ka qeyb-galay in dood adag ka yeeshan isticmaalka Adeega Teknoolojiyadda casriga ah iyo in ay noqoto mid sare  oo xowli ah isla markaana caqadabaha iyo xalalka xooga la saaro inta madasha ay socoto.

“Siyaasaddan waxay horsed fiican u noqon doontaa sidii waddanka oo dhan iyo dadkeena oo dhan ay qayb uga noqon lahaayeen isbedelka teknoolojiyaddu oo noloshooda door weyn kaga jirto” Ayuu sheegay Mudane Cabdiasiis.

Ugu dambeyn, ka qeyb-galayaasha ayaa ku biirayay Siyaasadda talooyin iyo aragtiyo dhaxal gal u ah hore-u-socdka siyaasadda adeegsiga tiknoolojiyadda casriga ah.

Previous Post

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo la kulmay Madaxa howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Next Post

Madaxweynaha JFS oo dalka dib ugu soo laabtay

Next Post
Madaxweynaha JFS oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha JFS oo dalka dib ugu soo laabtay

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

September 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Warbixinta Dhaqaalaha...

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

September 16, 2026
0

Agaasimaha Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Faatir, ayaa ku dhiirrigeliyey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In