Thursday, January 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Howlgallo lagu ciribtirayo Khawaarijta oo ka socda Galmudug iyo Hirshabeelle

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 years ago
in Wararka
0
Howlgallo lagu ciribtirayo Khawaarijta oo ka socda Galmudug iyo Hirshabeelle
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Xoogga dalka iyo deegaanka oo maalmahaan ku jira howlgallo culus ayaa shalay galab la wareegay deegaanno cusub oo horay ay u joogtay Khawaarijta Al-Shabaab.

Guutada 24-aad ee Khalid Binu-waliid ee Xoogga Dalka ayaa howlgallo lagu guuleytay ka fulisay deegaanada kala ah Gacal-ugaas iyo Murcudka oo hoos taga degmada Ruun-nirgood ee Shabeellada Dhexe ayaa kooxda Al-Shabaab laga saaray

Related posts

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

January 15, 2026
Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

January 15, 2026

Howgalka inta uu socday ayay ciidanka ku qarxiyeen miinooyin ay Khawaarijta ku aaseen waddooyin ka baxa degmada Ruun-nirgood iyo deegaannada hoos yimaado.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanaka ayaa Burburiyay Difaacyaddii kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ee degmooyinka Ceeldheer iyo Galcad,waxayna kaabiga u saran yihiin deegaanka Masagawaa, iyaga oo haatan ku sugan deegaanka Mareey suuleey, sida uu warbaahinta qaranka u sheegay Taliyaha Xoogagga Deegaanka Gaashaanle sare Cabdulle Maxamuud Cabdi iyo Khaliif Cumar Macallim Nuur.

Dhinaca kale, koonfurta gobolka Mudug waxaa ka socda howlgallo kale oo culus, ciidamada ayaa shalay gudaha u galay deegaanka Shabeelow. Sidoo kale ciidamada ayaa maanta ka gudbay Shabeelow, iyagoo ku wajahan deegaanno muhiim ah oo Caad ay ku jirto.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo iska casilay xilka Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Next Post

Safiirka JFS ee Ethiopia oo ka qeybgalay Munaasabad Lagu Taageerayo Guulihii Waaweynaa ee Qaranku gaaray

Next Post
Safiirka JFS ee Ethiopia oo ka qeybgalay Munaasabad Lagu Taageerayo Guulihii Waaweynaa ee Qaranku gaaray

Safiirka JFS ee Ethiopia oo ka qeybgalay Munaasabad Lagu Taageerayo Guulihii Waaweynaa ee Qaranku gaaray

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

January 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan...

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

January 15, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahab Cabdi Cumar (Cananuug), oo la hadlay Warbaahinta Qaran...

Madaxweynaha Algeria oo la gaarsiiyay dhambaal ka socotay Madaxweynaha JFS

Madaxweynaha Algeria oo la gaarsiiyay dhambaal ka socotay Madaxweynaha JFS

January 15, 2026
0

Madaxweynaha Algeria Abdelmadjid Tebboune ayaa qaabilay Faarax Sheikh Cabdulqaadir Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ahna Wasiirka Waxbarashada XFS, kaasoo farriin...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray ciidamada XDS & Daraawiishta Waqooyi Bari

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray ciidamada XDS & Daraawiishta Waqooyi Bari

January 15, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta kormeer ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In