Ciidamada Xoogga dalka, Daraawiishta Galmudug iyo xoogagga deegaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay Khawaarijta ka sifeeyey dhul ballaaran oo dhaca Koofurta gobolka Mudug.
Deegaannada Khawaarijta laga sifeeyay maalmihii la soo dhaafay waxaa kamid ah Shabeelloow oo ah fadhigii ugu waynaa ee cadowgu uu ka joogay Koofurta Mudug, Tuulada Cadaleey, waddada muhiimka ah ee isku xirta Camaara iyo Ceellhuur, Buurta Yacgoos iyo kuwo kale oo istaraatiiji ah .
Khawaarijta ayaa ogaatay in aanay u babac dhigi Karin awoodda ciidan ee ku soo wajahan, sidaa daraadeed, waxa ay ka carareen magaalooyin dhowr ah oo ciidanku aysan weli gaarin .
Ciidamada xoogga dalka, Daraawiishta Galmudug iyo xoogagga deegaanka ayaa haatan dhinacayada ka fadhiya Magaalada istaraatiijiga ah ee Caad oo ay Khawaarijtu ku sugnaayeen muddo sanado ah.