Monday, July 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaabilay koox farsamo oo ka socotay Africa CDC

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaabilay koox farsamo oo ka socotay Africa CDC
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Xaaji Aadan oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka (NIH) Dr Xuseen Abuukar Muxuddiin ayaa kulan la qaatay koox farsamo oo ka socotay Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ee Afrika (Africa CDC).

Kooxdu waxay Wasiirka uga warbixiyeen hawl-gal 4-maalmood ah oo lagu qiimaynayey Xarumaha Hawl-galka Degdegga ah ee Caafimaadka Dadweynaha (PHEOC) iyo Xarumaha Maareynta Dhacdooyinka (IMC). Waxay la wadaageen natiijooyinka waxayna soo jeediyeen tallaabooyin lagu taageerayo cusboonaysiinta xarumaha PHEOC iyo tababarro lagu xoojinayo la socodka, u diyaargarowga iyo ka hortagga xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Baydhabo oo shir guddoomiyay kulan lagu xoojinayo amniga KGS 

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Baydhabo oo shir guddoomiyay kulan lagu xoojinayo amniga KGS 

July 6, 2026
Shirweynaha Hal-abuurayaasha Dijitaalka ah (SOCCDEC) oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

Shirweynaha Hal-abuurayaasha Dijitaalka ah (SOCCDEC) oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

July 6, 2026

Ujeedka howlgalka ayaa ah in dowladda Federaalka Soomaaliya laga caawiyo dhanka tayaynta si ay si wanaagsan uga jawaabto dhibaatooyinka xaaladaha caafimaadka ee daddaga ah.

Wasiir Aadan ayaa uga mahadceliyey kooxda CDC ee Afrika dadaalka ay ugu jiraan xoojinta awoodda Soomaaliya ay ugu diyaargarowdo ugana jawaabto xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka bulshada. Wuxuu sheegay inay ka go’an tahay Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada XFS inay dhaqangeliso talooyinka la soo jeediyay.

Previous Post

Wasaaradda Amniga Galmudug oo war kasoo saartay Howlgaladdii u dambeeyay

Next Post

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka oo Muqdisho ka daahfuray Mashruuca adkeysiga sugnaanta cuntada

Next Post
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka oo Muqdisho ka daahfuray Mashruuca adkeysiga sugnaanta cuntada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka oo Muqdisho ka daahfuray Mashruuca adkeysiga sugnaanta cuntada

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Baydhabo oo shir guddoomiyay kulan lagu xoojinayo amniga KGS 

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Baydhabo oo shir guddoomiyay kulan lagu xoojinayo amniga KGS 

July 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlay xoojinta...

Shirweynaha Hal-abuurayaasha Dijitaalka ah (SOCCDEC) oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

Shirweynaha Hal-abuurayaasha Dijitaalka ah (SOCCDEC) oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

July 6, 2026
0

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray horumarinta hal-abuurka, kobcinta dhaqaalaha dijitaalka ah, iyo sidii dhalinyarada Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa fursado cusub...

Hoggaamiyaha KGS oo Baydhabo ku soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya

Hoggaamiyaha KGS oo Baydhabo ku soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya

July 6, 2026
0

Hoggaamiyaha KGS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Garoonka Diyaaradaha Dr. Shaati-Gaduud ee magaalada Baydhabo ku soo dhoweeyey wafdi...

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo howlo shaqo u jooga Mareykanka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo howlo shaqo u jooga Mareykanka

July 5, 2026
0

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Mudane Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Seattle ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In