Ciidamada Xoogga Dalka ayaa Shalay howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano ka tirsan “Goof-gaduud Buurey” ee dhaca gobolka Baay. Howlgalkaan ayaa waxaa hogaaminayay Taliyaha Ururka 47-aad Ee Guutada 8aad Qeybta 60aad Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka somaaliyeed X/le Ahmed maxamednuur (Ahmed Dhagey).
Howlgalkaan ayaa laga fuliyay deegaannada: Saydheelow, Habxirow, Buurta Qod’qode ,Calamka, Warta Dollar iyo Weeley, halkaas oo ahayd goobo laga diiwaangeliyo xubnaha maleshiyadka Khawaarijta, iyo goobo lacag baad ah looga qaado dadka shacabka ah ee Isticmaala Wadooyinka gobollada Baay iyo Bokool.