Monday, May 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Masar oo soo jeedisay Qorshe xal u noqon karo dagaalka ka socda Qaza

caqiil by caqiil
2 years ago
in Wararka
0
Dowladda Masar oo soo jeedisay Qorshe xal u noqon karo dagaalka ka socda Qaza
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo wali dagaallo xooggan ay ka socdaan magaalada Qaza ee dhulka Falastiiniyiinta, ayay Dowladda Masar soo bandhigtay qorshe lagu soo afjarayo dagaalkan galay maalintisii 81-aad, laguna gaari karo xabad-joojin labada dhinac dhax marta.

Hindisahan oo loo soo bandhigay Israa’iil, Xamaas, Maraykanka iyo qaar ka mid ah Dawladaha Yurub, ayaa qeexaya in Israa’iil ay si buuxda uga baxdo Qaza, dhanka Xamaasna ay sii dayaan dhamaan Maxabiista ay ka qhaystaan Israa’iil iyaga oo ku bedelanaya maxaabiista ay Israa’iil ka haysato.

Related posts

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

May 24, 2026
Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

May 24, 2026

Soo jeedintan oo Masar, ay la samaysay Dowladda Qatar, ayaa ka kooban dhowr wareeg oo maxaabiis is dhaafsi labada dhinac ah.

Wejiga koowaad qorshaha ay waddo Masar, ayaa looga dalban doonaa kooxda Xamaas in ay sii daayaan  dhammaan maxaabiista rayidka ah, si ay Israa’iil iyana dhankeeda ay usii deyso  maxaabiista ay ka hayaan Falastiin.

Qorshaha ayaa qeexaya inta lagu jiro marxaladda labaad, in Xamaas ay siidayn doonta dhammaan dumarka Askarta ah ee Isra’iil, si ay u helaan maxaabiis falastiiniyiin ah, taasoo dhaceysa inta lagu guda jiro xabbad-joojinta.

Marxaladda ugu dambeysa, dhinacyada dagaallamaya waxay yeelan doonaan hal bil oo wadahadallo ah si ay uga arrinsadaan sii deynta dhammaan shaqaalaha militariga ee Xamaas ay haysato, iyagoo ku beddelanaya maxaabiis badan oo Falastiiniyiin ah iyo in Israa’iil ay dib ugu baxdo Qaza.

Previous Post

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgal ka fuliyay goobo ay Khawaarijta kaga sugnayeen gobolka Baay

Next Post

80 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay dagaalkii magaalada Caad

Next Post
80 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay dagaalkii magaalada Caad

80 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay dagaalkii magaalada Caad

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa bayaanka wadajirka ah ee ay...

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalal badan oo Islaami ah ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada ay maamulka Somaliland ku...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo war kasoo saartay cabashooyin ka yimi safarrada dalka Masar

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo war kasoo saartay cabashooyin ka yimi safarrada dalka Masar

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kumeel gaar ah u hakisay in Dalka Masar loogu safro oggolaanshaha safar ee loo...

Safaaradda Soomaaliya oo ee Shiinaha oo soo agaasintay Xuska Maalinta Afrika 

Safaaradda Soomaaliya oo ee Shiinaha oo soo agaasintay Xuska Maalinta Afrika 

May 24, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha ayaa sanadkaan si heer sare ah u soo agaasintay xuska Maalinta Afrika (African Day), oo lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In