Thursday, August 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Masar oo soo jeedisay Qorshe xal u noqon karo dagaalka ka socda Qaza

caqiil by caqiil
December 26, 2023
in Wararka
0
Dowladda Masar oo soo jeedisay Qorshe xal u noqon karo dagaalka ka socda Qaza
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo wali dagaallo xooggan ay ka socdaan magaalada Qaza ee dhulka Falastiiniyiinta, ayay Dowladda Masar soo bandhigtay qorshe lagu soo afjarayo dagaalkan galay maalintisii 81-aad, laguna gaari karo xabad-joojin labada dhinac dhax marta.

Hindisahan oo loo soo bandhigay Israa’iil, Xamaas, Maraykanka iyo qaar ka mid ah Dawladaha Yurub, ayaa qeexaya in Israa’iil ay si buuxda uga baxdo Qaza, dhanka Xamaasna ay sii dayaan dhamaan Maxabiista ay ka qhaystaan Israa’iil iyaga oo ku bedelanaya maxaabiista ay Israa’iil ka haysato.

Related posts

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah furay ololaha Nadaafadda caasimadda 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah furay ololaha Nadaafadda caasimadda 

August 7, 2025
Soomaaliya oo ka qaybgalay shirka hagidda Istiraatiijiyadda EAC 

Soomaaliya oo ka qaybgalay shirka hagidda Istiraatiijiyadda EAC 

August 7, 2025

Soo jeedintan oo Masar, ay la samaysay Dowladda Qatar, ayaa ka kooban dhowr wareeg oo maxaabiis is dhaafsi labada dhinac ah.

Wejiga koowaad qorshaha ay waddo Masar, ayaa looga dalban doonaa kooxda Xamaas in ay sii daayaan  dhammaan maxaabiista rayidka ah, si ay Israa’iil iyana dhankeeda ay usii deyso  maxaabiista ay ka hayaan Falastiin.

Qorshaha ayaa qeexaya inta lagu jiro marxaladda labaad, in Xamaas ay siidayn doonta dhammaan dumarka Askarta ah ee Isra’iil, si ay u helaan maxaabiis falastiiniyiin ah, taasoo dhaceysa inta lagu guda jiro xabbad-joojinta.

Marxaladda ugu dambeysa, dhinacyada dagaallamaya waxay yeelan doonaan hal bil oo wadahadallo ah si ay uga arrinsadaan sii deynta dhammaan shaqaalaha militariga ee Xamaas ay haysato, iyagoo ku beddelanaya maxaabiis badan oo Falastiiniyiin ah iyo in Israa’iil ay dib ugu baxdo Qaza.

Previous Post

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgal ka fuliyay goobo ay Khawaarijta kaga sugnayeen gobolka Baay

Next Post

80 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay dagaalkii magaalada Caad

Next Post
80 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay dagaalkii magaalada Caad

80 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay dagaalkii magaalada Caad

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah furay ololaha Nadaafadda caasimadda 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah furay ololaha Nadaafadda caasimadda 

August 7, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa daahfuray mashruuca ololaha nadaafadda caasimadda ee dib-u-soo-celinta...

Soomaaliya oo ka qaybgalay shirka hagidda Istiraatiijiyadda EAC 

Soomaaliya oo ka qaybgalay shirka hagidda Istiraatiijiyadda EAC 

August 7, 2025
0

Agaasimaha Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdinaasir Cumar Kaatib, ayaa ka qeybgalay kulanka Guddiga...

Maxkamadda Ciidamada oo toogasho ku fulisay saddex Khawaarij ah

Maxkamadda Ciidamada oo toogasho ku fulisay saddex Khawaarij ah

August 7, 2025
0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saakay ku fulisay dil toogasho ah saddex dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, kuwaas oo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Lataliyaha Amniga Qaranka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Lataliyaha Amniga Qaranka

August 6, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Danjire Aweys Xaaji Yuusuf in uu noqdo Lataliyaha Amniga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In