Guddiga xiriirka arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Turkiga oo kulan ku yeeshay galinkii danbe ee shalay magaalada Ankara, ayaa ansixiyay ka mid noqoshada Sweden Ururka NATO.
Ansixinta arrinkan ayaa yimid kadib kulan uu guddiga ku yeeshay xarunta Baarlamaanka ee caasimadda Ankara, kaasoo uu hoggaaminayay guddoomiyaha guddiga, xildhibaan Fuat Oktay oo ka tirsan xisbiga cadaaladda iyo horumarinta.
Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Turkiga Burak Akcabar, kaasi oo Guddigga uga warbixiyay qaabka ay Sweden uga mid noqoneyso NATO.
Ansixinta guddiga ee xubinnimada Sweden, kadib waxaa loo gudbin doonaa Golaha Guud ee Baarlamaanka Turkiga si cod loogu qaado.
23-kii Oktoobar, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa saxiixay hab-maamuuska ku biiritaanka Sweden ee Ururka NATO.