Monday, July 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan loogu ducaynayey Marxuumad Khadiija Maxamed oo lagu qabtay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Kulan loogu ducaynayey Marxuumad Khadiija Maxamed oo lagu qabtay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee Dowladda ayaa ka qeybgalay kulan loogu duceynayay Allaha u naxariisto Marxuumad Khadiija Maxamed Diiriye.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Wasiirkii hore ee Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Marxuumad Khadiija Maxamed Diiriye ay ahayd hooyo lagu soo hirto, maddaale ku firfircoon shaqooyinka Qaranka iyo qof nolosheeda oo dhan u soo hurtay dowladnimada Soomaaliyeed.

Related posts

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayey kulan loogu ducaynayey marxuum Khadiija Maxamed Diiriye oo lagu qabtay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in muddooyinkii u danbeeyey ay marxuumaddu ku howlanayd sidii hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed loo badbaadin lahaa, taas oo kamid ahayd wax yaabihii wanaagsanaa ee lagu xasuusan doona intii ay nooleyd marxuumaddu.

Kulanka Ducada ayaa lagu soo bandhigay sooyaalkii nololeed ee Marxuum Khadiija Maxamed Diiriye, iyada oo ay dadkii kulanka ka hadlay dhammaantood tilmaameen in marxuumaddu ay ahayd qof naxariis badan oo ummadda Soomaaliyeed ugu soo adeegtay si daacad ah.

Kulanka ayaa waxaa kaloo ka galay Guddoomiye Ku-xigeennada 1aad iyo 2-aad ee Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, xubno ka tirsan goleyaasha dowladda iyo ehelka ay marxuumaddu ka baxday.

Previous Post

Golaha Wasiirada oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Kufsiga

Next Post

Kulan looga hadlayay garab istaaga Dadka qaba baahiyada gaarka ah oo lagu qabtay Gaalkacyo

Next Post
Kulan looga hadlayay garab istaaga Dadka qaba baahiyada gaarka ah oo lagu qabtay Gaalkacyo

Kulan looga hadlayay garab istaaga Dadka qaba baahiyada gaarka ah oo lagu qabtay Gaalkacyo

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay duqeymo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta ee...

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026
0

Qaar ka mid ah gabdhaha saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulan dhiirigelin iyo hambalyo ah u sameeyay Caaliya Maxamed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

July 12, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya,...

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

July 12, 2026
0

Waxaa si rasmi ah u soo gebageboobay Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026, oo socday muddadii u dhexeysay 1-da Juun...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In