Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan loogu ducaynayey Marxuumad Khadiija Maxamed oo lagu qabtay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Kulan loogu ducaynayey Marxuumad Khadiija Maxamed oo lagu qabtay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee Dowladda ayaa ka qeybgalay kulan loogu duceynayay Allaha u naxariisto Marxuumad Khadiija Maxamed Diiriye.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Wasiirkii hore ee Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Marxuumad Khadiija Maxamed Diiriye ay ahayd hooyo lagu soo hirto, maddaale ku firfircoon shaqooyinka Qaranka iyo qof nolosheeda oo dhan u soo hurtay dowladnimada Soomaaliyeed.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayey kulan loogu ducaynayey marxuum Khadiija Maxamed Diiriye oo lagu qabtay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in muddooyinkii u danbeeyey ay marxuumaddu ku howlanayd sidii hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed loo badbaadin lahaa, taas oo kamid ahayd wax yaabihii wanaagsanaa ee lagu xasuusan doona intii ay nooleyd marxuumaddu.

Kulanka Ducada ayaa lagu soo bandhigay sooyaalkii nololeed ee Marxuum Khadiija Maxamed Diiriye, iyada oo ay dadkii kulanka ka hadlay dhammaantood tilmaameen in marxuumaddu ay ahayd qof naxariis badan oo ummadda Soomaaliyeed ugu soo adeegtay si daacad ah.

Kulanka ayaa waxaa kaloo ka galay Guddoomiye Ku-xigeennada 1aad iyo 2-aad ee Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, xubno ka tirsan goleyaasha dowladda iyo ehelka ay marxuumaddu ka baxday.

 

Previous Post

Golaha Wasiirada oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Kufsiga

Next Post

Kulan looga hadlayay garab istaaga Dadka qaba baahiyada gaarka ah oo lagu qabtay Gaalkacyo

Next Post
Kulan looga hadlayay garab istaaga Dadka qaba baahiyada gaarka ah oo lagu qabtay Gaalkacyo

Kulan looga hadlayay garab istaaga Dadka qaba baahiyada gaarka ah oo lagu qabtay Gaalkacyo

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In