Monday, July 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo bogaadiyay guulaha la gaaray iyo qorshaha u degsan Wasaaradda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo bogaadiyay guulaha la gaaray iyo qorshaha u degsan Wasaaradda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta guddoomiyay kulan guud oo ay kasoo qeybgaleen Agaasime Waaxeedyada iyo Lataliyeyaasha Wasaaradda, kaas oo lagu soo gabagabeeyay kulamada warbixinnada  waxqabadka Wasaaradda ee 2023-ka iyo ballanqaadyada Wasaaradda ee 2024-ka.

Ugu horreyn, Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa sharxay iyada oo lagu shaqeynayo hagidda Wasiirka heerarka howlihii lasoo qabtay, kooxihii kala duwanaa ee ku shaqeynayay iyo natiijada warbixinta, waxaa uuna Agaasimeyaasha, Lataliyeyaasha iyo guud ahaan howlwadeennada uga mahadceliyay sida wadajirka ah ee loo wadasahaqeeyay.

Related posts

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026

Kulanka inta uu socday waxaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan iyada oo la falanqeeyay natiijada mid weliba.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay gebogabada kulanka ayaa bogaadiyay howlaha la qabtay ee warbixinta 2023, kooxdii kala duwanaa ee kashaqeysay iyo habka diyaarinta ballanqaadyada Wasaaradda ee 2024, isaga oo adkeeyay in aan la aqbali doonin wax gaabis ah oo la xiriira Halbeegyada iyo Howlaha kala duwan ee ku xusan ballanqaadyada 2024-ka.

Wasiirka ayaa xusay ahmiyadda in la gaaro dhammaan hortabinnada Wasaaradda ee la xiriira dowlad-dhiska, Federaaleynta, Dhab u heshiisiinta, doorashooyinka iyo dhammaan howlaha kale ee Qaran.

Previous Post

Shaqaalaha Wasaaradda Cadaaladda oo la guddoonsiiyey abaalmarino “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah "SAWIRRO"

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay duqeymo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta ee...

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026
0

Qaar ka mid ah gabdhaha saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulan dhiirigelin iyo hambalyo ah u sameeyay Caaliya Maxamed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

July 12, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya,...

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

July 12, 2026
0

Waxaa si rasmi ah u soo gebageboobay Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026, oo socday muddadii u dhexeysay 1-da Juun...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In