Thursday, April 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaar ka mid ah xildhibaannada kasoo jeeda Waqooyiga Soomaaliya oo cambaareeyay damaca Itoobiya

caqiil by caqiil
2 years ago
in Wararka
0
Qaar ka mid ah xildhibaannada kasoo jeeda Waqooyiga Soomaaliya oo cambaareeyay damaca Itoobiya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Aqalka sare e BFS, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay weligeed ku taameysay in ay hesho dhul kale oo ay Soomaaliya leedahay, gaar ahaan badaheenna.

Wuxuuna cod dheer ku sheegay in aysan badda Soomaaliya ahayn neef xoolo ah oo uu qof suuqa geysanayo balse baddeennu intaas ay intaasi ka culus tahay.

Related posts

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026

Guddoomiye Cabdi Xaashi” Badda Soomaaliya ma ahan neef xoolo ah oo uu qof suuqa geysanayo”.

Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed oo isna ka hadlay heshiis ku sheegga dhex maray Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ayaa sheegay Muuse dadka reer Soomaaliland uu ku wado haadaan jarna ridayo , isla markaana uu baabi’inayo wixii ay soddonka sano ku tabcayeen.

Wasiirka Maaliyadda XFS Xil, Biixi Iimaan Cige ayaa si weyn u soo dhoweeyay qaraarkii ay soo saartay Xukuummadda iyo xeerka labada gole ee BJFS, kaas oo wax kama jiraan ka dhigay heshiis beenaadkii Itoobiya iyo Muuse Biixi.

Wuxuuna intaa ku daray in aysan Soomaaliya aqbalayn in ciddi ka mid ah dhulkeeda in la qaato, wuxuuna faray bulshada Soomaaliyeed in si weyn looga dhiidhiyo loona midoobo difaaca dalka.

Sidoo kale, Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in waxa ka dhacay magaalada Addis Ababa ay xadgudub ku tahay qarananimada iyo midnimada Soomaaliya.

Mudane Maareeye ayaa sheegay in dadka reer ku dhaqan gobollada waqooyi ee Soomaaliya waddaninimo, hormuudna ay ka ahaayeen halganka iyo gobannimada dalkeenna, wuxuuna faray shacabka Soomaaliland inuusan Muuse Biixi ka qaadin sharafka iyo karaamada ay leeyihiin.

Ugu dambayn, Xildhibaan Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sheegay in aysan suuragal ahayn dadka Soomaaliyeedna aqbali karin in si dhayal ah lagu dhaxal wareejiyo.

Previous Post

Israa’iil oo dishay ku xigeenkii madaxa xafiiska Siyaasadda  Xamaas

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh “Cid awood u leh in ay bixiso cad ka mid ah dalka Soomaaliya ma jirto” (WARBIXIN)

Next Post
Madaxweynaha dalka oo Khudbad u jeedin doona maanta labada Aqal ee Baarlamaanka

Madaxweyne Xasan Sheekh “Cid awood u leh in ay bixiso cad ka mid ah dalka Soomaaliya ma jirto” (WARBIXIN)

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, Mudane Mohamed Osman Mohamed, ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga (Letters...

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026
0

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeyb galay...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

April 9, 2026
0

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista shidaalka Soomaaliya ee Çağrı Bey, kaas oo hore uga soo shiraacday...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, mudane Daud Aweis , iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cabdihakim...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In