1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana si adag uga horyimid faragelinta Dowladda Ethiopia ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, ka dib heshiiskii afgaradka oo ay dhawaan la gashay maamulka Somaliland.
2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilaabay dadaalo xooggan oo diblomaasiyadeed oo la doonayo in looga hortago khatarta ka iman karta tallaabada sharci darrada ah ee Ethiopia ay heshiis is afgarad kula gaartey maamulka Somaliland ee Somalia.
3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khadka telefonka kula hadley Boqorka Qatar, Madaxweynaha Masar, iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Mareykanka, Britain iyo Kenya. Wadahadalka ayaa ku qotomey iskaashiga Soomaaliya iyo dhinacyadaasi, iyo sida loga gudbi karo caqabadaha ku soo kordhey gobolka.
4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shir guddoomiyay shir deg deg ah oo ay yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka oo looga arrinsanayey xadgudubka Ethiopia ee madaxbanaanida Soomaaliya.
5- Ra’isul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda aanay marnaba aqbali karin in la qaato taako ka mid ah dhulkeeda.
6- Golaha Wasiirada ayaa qaraar diidmo xooggan ah ka soo saaray heshiiskii maamulka Somaliland ee Somalia uu la galay Dowladda Itoobiya ee lagu siinayo qeyb ka mid ah badda Soomaaliya, waxayna ku tilmaameen mid faragelin ku ah arrimaha gudaha ee dalka.
7- Baarlamanka Soomaaliya ayaa soo saaray xeer lagu burinayo is-afgaradka sharciga ka baxsan ee Ethiopia ay la gashey gobolka Somaliland ee Soomaaliya.
8- Ku-Simaha Wasiirka Arrimaha DIbedda ee Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa maanta danjireyaasha caalamka ee ku sugan Muqdisho uga warbixiyay xadgudubka ay ku Ethiopia kula kacdey qaranimada Soomaaliya iyo sida loogu baahan yahay in dunida ay ka hortagto tallaabo kasta oo khatar gelin karta amniga gobolka iyo kan caalamka.
9- Kumanaan shacab ah ayaa banaanbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo faragelinta Ethiopia ee qaranimada Soomaalya ka dhigay magaalada Muqdisho.ee Caasimadda Soomaaliya.
10- Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha iyo dalka dibeddiisa ayaa si wadajir ah u cambaareeyay tallaabada Ethiopia ay ku faragelineyso arrimaha gudaha Soomaaliya, iyagoo tilmaamey inay arintaasi khatar ku tahay nabadgelyada gobolka iyo tan Caalamka intaba.
11- Kumanaan shacab ah ayaa magaalada Hargeysa ka dhigay banaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo xadgudubka Ethiopia ay ku sameysay qaranimada Soomaaliya.
12- Ururka Jaamacadda Carabta, Baarlamanka Waddamada Carabta, Masar iyo Midowga Yurub ayaa ku baaqey in la xishmeeyo qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya, kadib falkii gardarrada ahaa ee Ethiopia ay ku soo faragelisay arrimaha guadaha Soomaaliya.
13- Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hortimid war saxaafadeed ka soo baxay IGAD oo muuqday mid ka fog waaqiciga xadgudubka ay Ethiopia kula kacdey Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale dalbatey in war saxaafadeedkaas oo u janjeeray Ethiopia ay IGAD dib ula noqoto.
14- Tallaabada xadgudubka ay ku dhaqaaqdey Ethiopia oo wiiqday rajadii dib u soo nooleynta wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland oo la filayay in hore loo sii wado, kadib kulankii ka dhacay Djibouti.
15- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeyb galay kulan dadweyne oo ay soo qaban qaabisay Madasha Minbar, isagoo ka jawaabay su’aalo ay weydiiyeen ka qeybgalayaasha.
16- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku dhawaaqay dhowaan la qaadi doono qeybo badan oo kamid ah dhagaxyada amni ee yaalla waddooyinka magaalada, maadaama uu soo hagaagey amniga caasimadda.
17- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa daah furay tartanka cayaaraha kubadda cagta ee Dowlad-goboleedyada dalka, kaas oo ka bilowday garooonka Muqdisho Stadium.
18- Dowladda UK oo soo dhoweysay warmurtiyeedkii ay sida wadajirka ah u soo saareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, oo ku saabsanaa dardargelinta wadahadallada labadal dhinac, ka hor intaanu dhicin xadgudubkii Ethiopia ay ku sameysay qaranimada Soomaaliya.
19- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa qaabiley hoggaanada siyaasadda iyo wacyigelinta ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ciidanka Booliiska iyo Ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliyeed, iyagoo ka wadahadley xoojinta dagaalka lagu baacsanayo Khawaarijta
20- Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxuddiin Caddoow, ayaa kormeer dhiirri-gelin ah ugu tagay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa difaaca deegaanka ee ku sugan deegaanka Cadcaddey ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
21- Taliyaha Ciidanka Dhulka G/lle Sarre Dayax Cabdi Cabdulle oo boqolaal askar ka tirsan xoogagga degaanka Qararow ee koonfurta Mudug uga mahadceliyay doorkooda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.
22- Ciidanka Nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku qabtay saddex gaari oo ay ku raran yihiin budada laga sameeyo waxyaabaha qarxa, iyo agabyo kale oo milateri oo loo waday Khawaarijta.
23- Hay’adda Nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigtay 3-dhalinyaro ah oo dhawaan laga dhex arkay muuqaalo ay duubtay kooxda Khawaarijta, kuwaas oo ay ku sheegayaan inay la shaqaynayaan argagixisada.
24- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa tuulooyin ka tirsan Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ku dilay laba horjooge oo kala ahaa, Cumaraani Maxamed Malaaq iyo mid magaciisa lagu soo koobay Saabir.
25- Hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa lagu dilay toddobo ka mid ah Khawaarijta oo ku sugnaa duleedka magaalada Caad ee Gobolka Mudug.
26- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa gacanta ku dhigay 2-xubnood oo ka tirsan Khawaarijta oo ku sugnaa degaanka Gabdhaale ee koonfuurta Gobolka Mudug.
27- Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howgal milateri ka fuliyay degaannada Gomori, Banjinaay, Sheekh Xasey, Aboorey iyo Dhanfaruur, oo ka tirsan Degmada Xuddur ee Gobolka Bakool.
28- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaliyeed ee SoDMA ayaa shixnad gargaar raashin ah u dirty deegaanada Galmudug iyo SSC-Khaatuma ee ay saameeyeen colaadaha, fatahaadaha El-Nino.
29- Soomow Ibraahim iidow (Macallin Soomow) oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa isku soo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya eek u sugan Dowla Goboleedka Koonfuur Galbeed.
30- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa tuulada Makiiney oo ka tirsan gobolka Bakool ku dilay 3 ka mid ah kooxda Khawaarijta.
31- Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya oo Muqdisho ku soo bandhigtay cilmi-baaris ku aadan cudurka HIV AIDS.
32- Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Puntland oo gacanta ku dhigay afar ruux oo ajaanib ah oo ku eedeysan inay Muqdisho ka soo qaateen dahab gaaraya 940 Garaam oo tuugo ah, ayna baxsad ka ahaayeen cadaaladda.