Wednesday, November 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo ku bogaadiyay shacabka difaacidda Dhulkooda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo bogaadiyay doorka Xildhibaannada ee Ilaalinta Madax-bannaanida Qaranimadeena
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya,Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku Bogaadiyey Shacabka Soomaaliyeed sida dowladooda ay ugu garab istaageen Difaacidda Dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Mudane Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay dareenka ay muujiyeen dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan xadgudubka Itoobiya iyo sida ay u diideen damacaas gurracan, waxa u sheegay in taasi ay ka turjumeyso isku duubnida shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay dalka ka joogaa.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

November 26, 2025
War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

November 26, 2025

“Waxaan ammaanaya wiilasha iyo gabdhaha qarkood xabadaha lagu ridayay, qaarkood xir-xiranyihiin oo xuriyadda laga qaaday, waxa ay u taagnayeen oo intaas u muteysteen, waa dalka Soomaaliya mitir kamid ah in aan la bixin, waan ku ammaaneynaa sharaf iyo cisi ayeyna barri ku nolaanayaan” ayuu yiri Madaxeyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed meel walba ay jogaan in ay u midoobaan, difaaca Qarannimada dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya ,shacabka Itoobiya ayuu dhankooda ugu baaqay in aysan ku kadsoomin isku dayga liita oo ay waddo Xukuumadda Addis Ababa.

Damaca gurracan ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu la saxiixday Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee maamulka Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa ka dhashay falcelin xoogan oo gudaha iyo dibadaba ah, iyadoo Baarlamaanka Jamhuuriyadda uu dhawaan ansixiyey, uuna saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda qararaar lagu buriyay is-afgarad beenaadkaas.

 

Previous Post

Duqa Gaalkacyo oo furay Kal-fadhiga 8-aad ee Golaha Deegaanka Degmada “SAWIRRO”

Next Post

Dowladda Jabuuti oo war ka soo saartay xadgudubka Itoobiya ee dhulka Soomaaliya

Next Post
Dowladda Jabuuti oo war ka soo saartay xadgudubka Itoobiya ee dhulka Soomaaliya

Dowladda Jabuuti oo war ka soo saartay xadgudubka Itoobiya ee dhulka Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

November 26, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada...

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

November 26, 2025
0

War-murtiyeed ayaa laga soo saaray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka, kaas oo maanta si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay...

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka daahfurtay Ololaha 16-ka maalmood ah ee la dagaallanka tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka.

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka daahfurtay Ololaha 16-ka maalmood ah ee la dagaallanka tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka.

November 26, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furtay ololaha...

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

November 25, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo xiray Shirweynaha Labaad ee Aqoonsiga Qaranka (SNIDC2025), oo muddo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In