Saturday, August 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Itoobiya oo ka dhacay Caasimadda Dalka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Itoobiya oo ka dhacay Caasimadda Dalka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kummanaan shacabka reer Muqdisho ah oo ka kala yimid degmooyinka  Gobalka Banaadir iyo deegaannada ku xeeran kala qaybgalay dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo damaca gurracan ee Itoobiya ay ku doonayso dhulka iyo badda Soomaaliya, gaar ahaan heshiis kusheegga ay la gashay Maamulka Soomaliland.

Dibad baxayaasha ayaa socod dheer ka soo bilaabay KM4, kuwaasi oo lug ku tegay ilaa iyo Taalada Daljirka Dahsoon ee Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Related posts

Mudaneyaasha Aqalka Sare oo maanta akhrinta Koowaad marsiiyay laba Hindise-Sharciyeed

Mudaneyaasha Aqalka Sare oo maanta akhrinta Koowaad marsiiyay laba Hindise-Sharciyeed

August 29, 2026
Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA oo Muqdisho ku qabatay kulan wacyigelin dadweyne

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA oo Muqdisho ku qabatay kulan wacyigelin dadweyne

August 29, 2026

Dadka isu soo baxa ka qeybgalay ayaa sitay boorar ay ku qornaayeen hal ku dhigyo ka dhan ah xadgudubka Itoobiya ee Madax banaanida dhuleed iyo Qaranimada Soomaaliya.

Isu soo baxaan ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay shaqaalaha hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo balan qaaday inay diyaar u yihiin difaaca dalkooda Hooyo.

Mas’uuliyiintii kala duwaneyd ee banaan baxa ka qeybgalay ayaa ku tilmaamay heshiis beenaadka ay dowladdu laashay in uu yahay mid xadgudub ku ah Qaranimada Soomaaliya; isla markaana madaxda Dowladda iyo shacabkooduba ay ka go’antahay difaaca taako ka mid ah Bariga, badda iyo hawada Soomaaliya

Mas’uuliyiinta ayaa dhanka kale tibaaxay in Ra’isul  Wasaaraha Itoobiya uu ku fashilmay siyaasadda Arrimaha Gudaha dalkiisa, isla markaana uu doonaayo in uu dhibaato kale abuuro, si uu culayska iskaga yareeyo.

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo xaaladda Gobalka kala hadalay Ergeyga Midowga Yurub Ee Geeska Afrika 

Next Post

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya oo la kulmay Safiirka Hindiya

Next Post
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya oo la kulmay Safiirka Hindiya

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya oo la kulmay Safiirka Hindiya

Mudaneyaasha Aqalka Sare oo maanta akhrinta Koowaad marsiiyay laba Hindise-Sharciyeed

Mudaneyaasha Aqalka Sare oo maanta akhrinta Koowaad marsiiyay laba Hindise-Sharciyeed

August 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta akhrinta koowaad marsiiyay laba hindise-sharciyeed oo muhiim u ah...

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA oo Muqdisho ku qabatay kulan wacyigelin dadweyne

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA oo Muqdisho ku qabatay kulan wacyigelin dadweyne

August 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan dadweyne oo looga hadlay dhisidda kalsoonida iyo...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf

August 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Abdulfatah Kasim Mohamud ayaa xalay ka qayb galay munaasabad lagu daahfuray...

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay xubno ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In