Monday, August 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS : Warfaafinta iyo warbaahinta Soomaaliya muhiimad ayay u leeyihiin taariikhda iyo dhaqanka dalka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 21, 2024
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta XFS : Warfaafinta iyo warbaahinta Soomaaliya muhiimad ayay u leeyihiin taariikhda iyo dhaqanka dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xuska maalinta Warfaafinta iyo Warrbaahinta Soomaaliya waa fursad muhiim ah oo lagu aqoonsanayo muhiimadda ay afka iyo warbaahinta Soomaaliyeed ku leeyihiin taariikhda iyo dhaqanka dalka.

Maalintan waxay kale oo ay ina xusuusineysaa daabacaadda wargeyskii ugu horreeyay ee Af-Soomaali ah oo haatan laga joogo muddo ka badan nus qarni. Tallaabadaas waxay wax weyn ka tartey horumarka warbaahinta Soomaalida, taas oo suurtagelisay faafinta macluumaadka iyo afkaarta afka Soomaaliga.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

August 24, 2025
Ra’iisul wasaaraha XFS oo safar shaqo ugu baqoolay dalka Shiinaha

Ra’iisul wasaaraha XFS oo safar shaqo ugu baqoolay dalka Shiinaha

August 24, 2025

Horumarinta iyo ilaalinta afka Soomaaliga si tayo sare leh ayaa Iyana muhiim u ah ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka hodanka ah ee Soomaaliya iyo in la hubiyo in dadkeedu ay heli karaan macluumaadka oo ay si hufan u cabbiraan fikirkooda.

Waxa kale oo muhiim ah in hawl-wadeennada warbaahinta Soomaaliyeed, aqoonyahannada, iyo qoraayaasha ay labanlaabaan dadaalka ay ugu jiraan horumarinta iyo tayeynta afka Soomaaliga ah si looga hortago in la dhalan rogo ama adeegsigiisa uu yaraado.

Anaga oo xusayna maalinta warfaafinta Soomaaliya, isla markaana xoogga saarayna muhiimadda iyo qiimaha Afka Soomaaliga iyo warbaahinta, waxaan ka qeyb qaadan karnaa sii wadida kobaca iyo firfircoonida dhaqanka hodanka ah ee bulshada Soomaaliyeed.

HAMBALYO MAALINTA QARAN EE WARFAAFINTA SOOMAALIYA

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Daa’uud Aweys Jaamac

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ku bogaadiyey taageerada Dalkeenna

Next Post

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ka dhan ah khawaarijta ka sameeyay degaano katirsan gobolka Baay

Next Post
Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ka dhan ah khawaarijta ka sameeyay degaano katirsan gobolka Baay

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ka dhan ah khawaarijta ka sameeyay degaano katirsan gobolka Baay

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

August 24, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta SoDMA, lacag dhan...

Ra’iisul wasaaraha XFS oo safar shaqo ugu baqoolay dalka Shiinaha

Ra’iisul wasaaraha XFS oo safar shaqo ugu baqoolay dalka Shiinaha

August 24, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta u ambabaxay dalka Shiinaha, halkaas oo...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO KULAN LA QAATAY ERGAYGA GAARKA AH EE XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO KULAN LA QAATAY ERGAYGA GAARKA AH EE XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY

August 24, 2025
0

RADIO MUQDISH: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay konteenarro maandooriye ah

Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay konteenarro maandooriye ah

August 24, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Dekadda Muqdisho ku sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In