Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Diblumaasi, xildhibaan Suldaan Said Ahmed oo loo magacaabay ergayga gaarka ah ee Finland u qaabilsan arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
3 years ago
in Wararka
0
Diblumaasi, xildhibaan Suldaan Said Ahmed oo loo magacaabay ergayga gaarka ah ee Finland u qaabilsan arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Finland laguna daabacay bogga internetka ee dowladda Finland warbaahinta gudaha iyo kuwa dibaddana loo qaybiyay ayaa lagu baahiyay magacaabista Ergeyga gaarka ah ee dowladda Finland u qaabilsan arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika, mudane Diblumaasi Xildhibaan hore Suldaan Said Ahmed.

Mudane Suldaan Said Ahmed oo horay u soo noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Finland iyo ergayga gaarka ah ee wasiirka arrimaha dibadda Finland u qaabilsan nabadda iyo dhexdhexaadinta Geesrka Afrika ayaa hadda si rasmi ah u noqonayaa Ergaya dowladda Finland u qaabilsan arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadin Geeska Afrika.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Diblumaasi Suldaan Said Ahmed ayaa kolkii hore ee uu ahaa ergayga gaarka ah ee wasiirka arrimaha dibadda Finland u qaabilsan arrimaha nabadda Geeska Afrika sare u qaaday xiriirka togan ee u dhexeeya dalalka dhaca geeska Afrika iyo dalka Finland.

Suldaan oo asal ahaan ka soojeeda Geeska Afrika ayaa isagoo kaashanaya aqoontiisa duruqsan ee uu leeyahay dhaqanka iyo qaab-dhismeedka bulshooyinka Geeska Afrika horay u kasbaday kalsoonida hoggaanka siyaasadda, diinta, dhaqanka iyo dhallinyarada bulshada gobolka Geeska Afrika.

Waxaa aad loogu han-weynyahay in Suldaan Said Ahmed uu sare u sii qaado xiriirka iskaashi iyo wax wada-qabsi ee ka dhexeeya dalalka Geeska Afrika iyo dalka Finland.

Sidaas si lamid ah ayaa waxaa loo naawilayaa in aqoonta iyo waayo-aragnimada dalka Finland ee dhinaca nabadaynta iyo xallinta khilaafaadka uu diblumaasi Suldaan Said Ahmed ku dabaqo xallinta xasaradaha iyo khilaafaadka dhaqan-dhaqaale iyo bulsho ee Geeska Afrika ka jira.

Previous Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda UNFPA ee Soomaaliya

Next Post

Waxgaradka gobolka Awdal oo ka horyimid damaca Itoobiya

Next Post
Waxgaradka gobolka Awdal oo ka horyimid damaca  Itoobiya

Waxgaradka gobolka Awdal oo ka horyimid damaca Itoobiya

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In