Saturday, January 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS “Iskaashiga Afrika iyo Talyaaniga ma noqon karo mid shaqeeya, haddii Dal Afrikaan ah uu ku xadgudbo Xuduudaha Dal kale”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS “Iskaashiga Afrika iyo Talyaaniga ma noqon karo mid shaqeeya, haddii Dal Afrikaan ah uu ku xadgudbo Xuduudaha Dal kale”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Madasha Talyaaniga iyo Afrika ayaa xusay mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya, fursadaha maalgashi iyo khayraadka dihan ee ceegaaga dalkeenna oo wax tar u leh gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in iskaashiga caalamka uu ku tiirsan yahay ixtiraamka sharciyadda iyo mabaadi’da madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka.

Related posts

Dowladda Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah Ula Soo Wareegtay Hoggaanka Shirka Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay

Dowladda Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah Ula Soo Wareegtay Hoggaanka Shirka Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay

January 3, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka Oo 20-Xubnood Oo Horjoogeyaal Iyo Maleeshiyaad Khawaarij Ah Ku Dilay Gobolka Baay

Ciidanka Xoogga Dalka Oo 20-Xubnood Oo Horjoogeyaal Iyo Maleeshiyaad Khawaarij Ah Ku Dilay Gobolka Baay

January 3, 2026

“Iskaashiga Afrika iyo Talyaaniga ma noqon karo mid shaqeeya haddii dal Afrikaan ah uu ku xadgudbo xuduudaha dal kale, waxaana tusaale u ah isku dayga fashilmay ee faro-gelinta Itoobiya ku sameysay Madaxbannaanida dalkeenna”.ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay caqabadaha hortaagnaa dowladnimada Soomaaliya iyo dhabar adayga ay ku wajahayaan dadka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada ay barbar socdaan qorsheyaal lagu adkeynayo dowladnimada, laguna xoojinayo iskaashiga iyo doorka Soomaaliya ee Gobolka, kuwaas oo ay ka mid yihiin; ku biirista Urur Gobolleedka Bariga Afrika, qaadista cunaqabateynta hubka iyo dhammeystirka deyn cafinta.

“Soomaaliya waxay ku faani kartaa khayraadka Alle ku mannaystay ee dhinacyada Beeraha, Xoolaha, Kalluumeysiga, Tamarta iyo booska istaraatiijiga ah, kuwaas oo ay wehelinyaan in ay yihiin dad fir fircoon, dhallinyaro u badan, kuna tilmaaman hammi iyo hal-abuur. Ku biirista Urur Gobolleedka Bariga Afrika waxa ay si weyn u dhiirri-gelisay aragtidayada ganacsi”.ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Madaxweynaha JFS.

Previous Post

Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka oo ka qeybgalay shirka Hay’adaha Sirdoonka ee Bariga Afrika

Next Post

Soomaaliya iyo Comoros oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Next Post
Soomaaliya iyo Comoros oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Comoros oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Dowladda Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah Ula Soo Wareegtay Hoggaanka Shirka Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay

Dowladda Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah Ula Soo Wareegtay Hoggaanka Shirka Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay

January 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO(NEW YORK):-Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sanadkan si rasmi ah ula soo wareegtay hoggaanka wareegtada ah ee Golaha Ammaanka...

Ciidanka Xoogga Dalka Oo 20-Xubnood Oo Horjoogeyaal Iyo Maleeshiyaad Khawaarij Ah Ku Dilay Gobolka Baay

Ciidanka Xoogga Dalka Oo 20-Xubnood Oo Horjoogeyaal Iyo Maleeshiyaad Khawaarij Ah Ku Dilay Gobolka Baay

January 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAAY):-Ciidamada gaarka ah ee Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa xalay fuliyay hawlgal gaar...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Bulshada Dhuusamareeb Kula Caweeyay Goobaha Nasashada

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Bulshada Dhuusamareeb Kula Caweeyay Goobaha Nasashada

January 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO(GALMUDUG):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo safar shaqo ku jooga Dhuusamareeb, ayaa caawa tagey...

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey deegaanka Wargaadhi

January 2, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwo deegaanka ayaa maanta jab xooggan gaarsiiyey kooxda Khawaarijta ah, kadib markii ay isku dayeen inay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In