Wednesday, November 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo kulan Casha Sharaf u sameeyay Culuma’udiin Soomaaliyeed oo ka yimid wadamada Bariga Afrika

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo kulan Casha Sharaf u sameeyay Culuma’udiin Soomaaliyeed oo ka yimid wadamada Bariga Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan Casho sharaf ah Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ugu sameeyay Culuma’udiin Soomaaliyeed oo isaga kala yimid wadamada Bariga Afrika, kuwaasi oo bulshada gaarsiiya Faafinta Diinta Islaamka.

Culumadan oo Magaalada Muqdisho u yimid in ay bulshada ugu nasteexeeyaan Diinta Islaamka ayaa waxaa hoggaaminaayay Sheekh Xuseen Cali Sugaal (Sheekh Xuseen Jabuutaawi) iyo Sheekh Cabdiraxmaan Macalin Jigjiga. Iyagoona munaasabadda ka jeediyay khudbado isugu jirtay mahadcelin iyo guubaabo.

Related posts

Danjire Jabriil oo qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee Kenya

Danjire Jabriil oo qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee Kenya

November 4, 2025
Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc  Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

November 4, 2025

Munaasabada waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada, Xoghayaha Guud, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Agaasimeyaal, Haweenka iyo marti sharaf kale.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Ganaraal Sulub Axmed Firin ayaa ku amaanay Culuma-udiinka Soomaaliyeed sida ay had iyo jeer ummada ugu nasteexeeyan Dacwada Diinta Islaamka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi oo ka qeybgalay casha sharafata ayaa sheegay in Culumada Soomaaliyeed ay tiir adag u yihiin bulshada iyo faafinta Diinta Islaamka.

Previous Post

Madaxweynaha Galmudug oo guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada

Next Post

Dood ku saabsaneeyd Tartankii Ciyaaraha dowlad goboleedyada & Gobolka Banaadir oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post
Dood ku saabsaneeyd Tartankii Ciyaaraha dowlad goboleedyada & Gobolka Banaadir oo lagu qabtay Muqdisho

Dood ku saabsaneeyd Tartankii Ciyaaraha dowlad goboleedyada & Gobolka Banaadir oo lagu qabtay Muqdisho

Danjire Jabriil oo qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee Kenya

Danjire Jabriil oo qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee Kenya

November 4, 2025
0

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa dhankiisa xusay in dowladda Soomaaliya ay ka go'antahay xoojinta...

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc  Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

November 4, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Suleymaan,...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

November 4, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daah-furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

November 4, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay Shirkii ugu horreeyey ee hoggaamiyeyaasha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In