Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi ka socdo JFS oo Xarunta Midowga Africa uga Qayb Galay Shir looga hadlaayo Hawlgalka ATMIS

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Wafdi ka socdo JFS oo Xarunta Midowga Africa uga Qayb Galay Shir looga hadlaayo Hawlgalka ATMIS
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru Dawlaha ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cali Cumar Cali “Balcad” iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ka qayb galka shirar heerkoodu sarreeyo u jooga dalka Ethiopia, ayaa si buuxda uga qayb galay shir looga arrinsanayey guulaha laga gaaray hawlgalka geba-gebada ah ee ATMIS, kaasi oo uu soo qaban-qaabiyay Golaha Amniga iyo Nabad-gelyada Midowga Africa.

Wasiirka waxaa shirka ku wehelinayey Danjiraha Jamhuuriyadd Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa, la taliyaha amniga ee Ra’iisal Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Kamaal Guutaale, Xoghayaha koowaad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Addis Ababa u qaabilsan Midowga Africa Mudane Shaafici Nuur Calas iyo sidoo kale diplomaasiyiin ka tirsan safaaradda iyo mas’uuliyiin kala duwan oo kamid ahaa wafdiga Wasiirka.

Related posts

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026

Shirka waxaa sidoo kale goob joog ahaa dhamaan dalalka taageera horumarka iyo xasilinta Soomaaliya, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub iyo sidoo kale khuburada Dawladda Soomaaliya kala shaqaynaysa meelmarinta iyo dhamaystirka hawl-galka ATMIS oo sanadkan 2024 si rasmi ah loo soo geba-gebayn doono.

Shirkan oo qaatay saacado badan, ayaa si qota dheer looga dooday natiijooyinka dhaxal-galka ah ee laga gaaray qorshaha Qaran ee la xiriira in ciidamada Xoogga Dalka Soonaaliyeed ay si buuxda ula wareegaan amniga Soomaaliya, isla markaana lasoo geba-gebeeyo hawl-galka KMG ah ee ATMIS.

Wasiir Cali Cumar Cali “Balcad” oo shirka khudbado kala duwan ka jeediyay, ayaa hoosta ka xariiqay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay si dhab ah ugu guulaysattay in Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed loo carbiyo xasilinta nabad-gelyada Soomaaliya iyo xaalufinta kooxaha Khawaarijta, isla markaana ay DFS kalsooni buuxda ku qabto tayada iyo tababarada ay qaateen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayna si buuxda ugu diyaarsan yihiin la wareegidda amniga guud ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa dalalka Africa iyo saaxiibada Soomaaliya uga mahadceliyay dedaalka iyo garab Istaagga ay ku bixiyeen marxaladda wanaagsan ee ay xiligan Soomaaliya soo gaartay.
















Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan tacsi ah laqaatay Safiirka Imaaraadka 

Next Post

Dowladda Itoobiyo oo lagu eedeeyay inay xasuuq ba’an ka gaysatay Gobalka Amxaarada

Next Post
Dowladda Itoobiyo oo lagu eedeeyay inay xasuuq ba’an ka gaysatay Gobalka Amxaarada

Dowladda Itoobiyo oo lagu eedeeyay inay xasuuq ba'an ka gaysatay Gobalka Amxaarada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In