Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo bogaadiyay heshiiska tayeynta Ciidamada ee ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Mareykanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo bogaadiyay heshiiska tayeynta Ciidamada ee ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Mareykanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey munaasabad lagu saxiixayey heshiiska tayeynta Ciidamada Soomaaliyeed oo ay kala sixiixdeen Dowladaha Soomaaliya iyo Maraykanka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in heshiiskan uu horseedaya in Dowladda Maraykanku ay kordhiso taageerada iyo tababarrada Ciidamada Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa waxaa xarummo tababar iyo Ciidan laga hirgelinayaa Magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Jowhar iyo Dhuusamareeb.

Related posts

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026

“Heshiiskan waxa uu ka gacansiinayo dowladda Soomaaliya qorsheyaasha dib u habaynta iyo tayeynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab iyo xaqiijinta amniga, waxa uuna faray xubnaha ka soo jeeda dhanka dowladda Soomaaliya ee guddiga isku-dhafka ah ee Labada dal in ay mudnaan weyn siiyaan fulinta heshiiska”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda Maraykanka doorka ay ka qaadanayso tayeynta ciidanka sida-gaarka ah u tababaran ee Danab iyo guud ahaan Hay’adaha ammaanka Soomaaliya, isagoo xusay sida ay lafdhabarta ugu yihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo howlgallada socda ee lagu xoreynayo deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan.

Heshiiska waxaa Labada dowladood u kala saxiixay, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Siihaayaha Safiirka Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya Shane Dixon.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Safar shaqo uu ku tagi doono dalka Itoobiyo

Next Post

Kulan looga hadlayay waxyaabaha ka qabsoomay mashruuca Nagaad oo lagu qabtay Kenya 

Next Post
Kulan looga hadlayay waxyaabaha ka qabsoomay mashruuca Nagaad oo lagu qabtay Kenya 

Kulan looga hadlayay waxyaabaha ka qabsoomay mashruuca Nagaad oo lagu qabtay Kenya 

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In