Wednesday, August 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaramada Midoobay oo bogaadisay horumarka ay Soomaaliya ku talaaabsatay ee Amniga iyo dowlad dhiska

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Qaramada Midoobay oo bogaadisay horumarka ay Soomaaliya ku talaaabsatay ee Amniga iyo dowlad dhiska
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo manta khudbad ka jeedinaysay shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Catriona Laing ayaa ka hadashay Horumarka balaaran ee ay Dowladda Federaalka ku tallaabsatay bilihii la soo dhaafay ee ku aaddan hirgelinta waxyaabaha ay mudnaanta siineyso, waxayna warbixin ka bixisay arrimaha siyaasadda, amniga, gobolka, xaaladaha bani’aadamnimada iyo arrimo kale.

“Dhanka dastuurka,waxaan ku dhiirigelineynaa dhammaan dhinacyada inay isku tanaasulaan si loo dhameystiro geeddi-socodka dastuurka. Haddii aan la helin dastuur loo midaysanyahay, Soomaaliya waxay noqonaysaa mid u nuglaata dhibaatooyin joogto ah marba hadii aan loo haynin xeerar la isku raacsanyahay oo lagu xaliyo caqabadaha,” Catriona Laing ayaa sidaas u sheegtay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay.

Related posts

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

August 26, 2026
Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

August 26, 2026

Dhanka Is-afgaradka Itoobiya iyo Somaliland, Catriona Laing waxay sii adkaysay hadalkii Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, kaasoo sheegay in Golaha Amaanka ee QM ay ixtiraamayso madax bannaanida dhuleed iyo midnimadda Soomaaliya, waxayna ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay galaan wada-hadal nabadeed oo waxtar leh iyo inay ka fogaadaan hurinta erayada ama ficilada sii kicin kara xiisado colaadeed”.

Dhinaca horumarka amniga, Catriona Laing ayaa xustay in “QM ay ku faraxsan tahay in ay ka warbixiso horumarrada wanaagsan ee ku saabsan xasilinta meelaha dhowaan dib loo xoreeyey, gaar ahaan waxaa jira horumar laga gaaray hirgelinta sharciga, maamulka, dib u heshiisiinta, iyo bixinta adeegyada aasaasiga ah. Barnaamijka wadajirka ah ee Qaramada Midoobay ayaa lagu baahiyaa meelaha dib xureeyay.”

Xili ay ka warbixinaysay arrimaha haweenka ee Soomaaliya, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Catriona Laing ayaa tiri “Waxaan sii wadnaa la shaqeynta dowladda, haweenka ku jira baarlamaanka federaalka iyo bulshada rayidka ah si loo horumariyo hirgelinta qoondada haweenka ee 30%. Inkastoo dadaallo wadajir ah la sameeyay, hadana ka qaybgalka haweenka ee arrimaha siyaasadda waa caqabad taagan.”

Dhanka arrimaha bini’aadantinimada ee Soomaaliya, Catriona Laing waxay sheegtay in xaaladdu ay weli tahay mid aad u adag, “Qorshaha ka jawaabidda arrimaha Bini’aadantinimo ee 2024-ka wuxuu u baahanyahay $1.6 bilyan si loo daboolo baahiyaha 5.2 milyan oo ah dadka nugul ee Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, 37% ayaa la dhimay baahiyihii taagnaa 2023. Dhimistani waxay la jaanqaadaysaaa habka cusub ee ka jawaabta baahiyaha bini’aadantinimo iyadoo mudnaan iyo tixgalin gooni ah la siinaayo hoos u dhaca dhaqaale ee caalamka.”

 

Previous Post

Hay’adda Duulista Rayidka oo digniin adag u dirtay maamulka Waqooyi Galbeed

Next Post

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka QM hordhigtay gardarrada Ethiopia

Next Post
Soomaaliya oo Golaha Ammaanka QM hordhigtay gardarrada Ethiopia

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka QM hordhigtay gardarrada Ethiopia

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

August 26, 2026
0

Madashu waxay iskugu keenaysaa mas'uuliyiinta dowladda, maal-gashadayaasha Shiinaha iyo hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed si ay uga wada hadlaan fursadaha ka jira...

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

August 26, 2026
0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, isagoo fulinaya awoodihiisa Dastuuriga ah, kuna dhaqmaya sharciga doorashooyinka Qaranka, sharciga dhisidda Guddiga...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮 𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐅𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐗𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮 𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐅𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐗𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

August 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u furay Madasha Isku-xirka Ganacsiga...

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

August 25, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku qaabilay Ruth...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In