Saturday, August 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaramada Midoobay oo bogaadisay horumarka ay Soomaaliya ku talaaabsatay ee Amniga iyo dowlad dhiska

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 19, 2024
in Wararka
0
Qaramada Midoobay oo bogaadisay horumarka ay Soomaaliya ku talaaabsatay ee Amniga iyo dowlad dhiska
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo manta khudbad ka jeedinaysay shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Catriona Laing ayaa ka hadashay Horumarka balaaran ee ay Dowladda Federaalka ku tallaabsatay bilihii la soo dhaafay ee ku aaddan hirgelinta waxyaabaha ay mudnaanta siineyso, waxayna warbixin ka bixisay arrimaha siyaasadda, amniga, gobolka, xaaladaha bani’aadamnimada iyo arrimo kale.

“Dhanka dastuurka,waxaan ku dhiirigelineynaa dhammaan dhinacyada inay isku tanaasulaan si loo dhameystiro geeddi-socodka dastuurka. Haddii aan la helin dastuur loo midaysanyahay, Soomaaliya waxay noqonaysaa mid u nuglaata dhibaatooyin joogto ah marba hadii aan loo haynin xeerar la isku raacsanyahay oo lagu xaliyo caqabadaha,” Catriona Laing ayaa sidaas u sheegtay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay.

Related posts

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1-da August, 2025

August 1, 2025
Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo Xoojinaya Xiriirkooda.

Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo Xoojinaya Xiriirkooda.

August 1, 2025

Dhanka Is-afgaradka Itoobiya iyo Somaliland, Catriona Laing waxay sii adkaysay hadalkii Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, kaasoo sheegay in Golaha Amaanka ee QM ay ixtiraamayso madax bannaanida dhuleed iyo midnimadda Soomaaliya, waxayna ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay galaan wada-hadal nabadeed oo waxtar leh iyo inay ka fogaadaan hurinta erayada ama ficilada sii kicin kara xiisado colaadeed”.

Dhinaca horumarka amniga, Catriona Laing ayaa xustay in “QM ay ku faraxsan tahay in ay ka warbixiso horumarrada wanaagsan ee ku saabsan xasilinta meelaha dhowaan dib loo xoreeyey, gaar ahaan waxaa jira horumar laga gaaray hirgelinta sharciga, maamulka, dib u heshiisiinta, iyo bixinta adeegyada aasaasiga ah. Barnaamijka wadajirka ah ee Qaramada Midoobay ayaa lagu baahiyaa meelaha dib xureeyay.”

Xili ay ka warbixinaysay arrimaha haweenka ee Soomaaliya, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Catriona Laing ayaa tiri “Waxaan sii wadnaa la shaqeynta dowladda, haweenka ku jira baarlamaanka federaalka iyo bulshada rayidka ah si loo horumariyo hirgelinta qoondada haweenka ee 30%. Inkastoo dadaallo wadajir ah la sameeyay, hadana ka qaybgalka haweenka ee arrimaha siyaasadda waa caqabad taagan.”

Dhanka arrimaha bini’aadantinimada ee Soomaaliya, Catriona Laing waxay sheegtay in xaaladdu ay weli tahay mid aad u adag, “Qorshaha ka jawaabidda arrimaha Bini’aadantinimo ee 2024-ka wuxuu u baahanyahay $1.6 bilyan si loo daboolo baahiyaha 5.2 milyan oo ah dadka nugul ee Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, 37% ayaa la dhimay baahiyihii taagnaa 2023. Dhimistani waxay la jaanqaadaysaaa habka cusub ee ka jawaabta baahiyaha bini’aadantinimo iyadoo mudnaan iyo tixgalin gooni ah la siinaayo hoos u dhaca dhaqaale ee caalamka.”

 

Previous Post

Hay’adda Duulista Rayidka oo digniin adag u dirtay maamulka Waqooyi Galbeed

Next Post

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka QM hordhigtay gardarrada Ethiopia

Next Post
Soomaaliya oo Golaha Ammaanka QM hordhigtay gardarrada Ethiopia

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka QM hordhigtay gardarrada Ethiopia

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1-da August, 2025

August 1, 2025
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1-da August, 2025 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay...

Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo Xoojinaya Xiriirkooda.

Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo Xoojinaya Xiriirkooda.

August 1, 2025
0

Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo Xoojinaya Xiriirkooda. 1-da Agoosto 2025, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga...

Daacish Baxsad ah oo lagu qabtay Gobolka Barri.

Daacish Baxsad ah oo lagu qabtay Gobolka Barri.

August 1, 2025
0

Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland ayaa gacanta ku dhigay labo kamid ah maleeshiyaadka Kooxda Daacish, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayey Buuraleyda...

Ergay Mareykan ah oo booqanaya Gaza iyo dad raashin doon ah oo la dilay

Ergay Mareykan ah oo booqanaya Gaza iyo dad raashin doon ah oo la dilay

August 1, 2025
0

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka Steve Witkoff ayaa maanta booqanaya Gaza si uu u kormeero goobaha cuntada lagu qaybiyo, sida...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In