Tuesday, May 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Doodda Cutubka 1-aad ee Dastuurka KMG oo la soo gaba-gabeeyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Doodda Cutubka 1-aad ee Dastuurka KMG oo la soo gaba-gabeeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka guud ee labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka waxaa Guddoomiyaha ku wehlinayey ku-xigeennada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu ajandihiisu ahaa dhameystirka ka-doodista soo jeedimaha wax-ka-beddelka Dastuurka, cutubka koowaad, qodobada 1-ilaa 9-aad ee Baaqa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo soo jeedinta mooshin ay soo gudbiyeen 70-Xildhibaan taas oo ah wax badel lagu sameeyo arinta Jinsiyadda Soomaaliya.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ahna isku duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ahna isku duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay

May 4, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

May 3, 2026

Doodda qodobbada 1-aad illaa 9-aad ee cutubka koowaad oo qaadatay muddo afar maalin ah ayay Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanku soo jeediyeen aragtiyo wax ku ool ah, qaabayn, sixid iyo siiqayn, si marxaladda xigta guddiyada Dastuurka ee doodda la socda ay ugu soo dhafaan Dastuurka talooyinka iyo soo-jeedimaha mudanayaasha labada Aqal.

Guddoomiyaha oo soo gunnaanaday Doodii looga hadlaayay cutubka 1aad ee Dastuurka, waxaana uu Guddoomiyuhu sheegay in dib loogu celiyay Guddiga Dastuurka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu Guddoomiyaha xusay in maalinta beri loo ballansanyahay kulan aan caadi aheyn oo Xildhibaannada isugu yeeray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Previous Post

Wafdi ka socdo Jaamacadda Carabta oo soo gaaray Muqdisho

Next Post

Soomaaliya iyo Uganda oo Muqdisho ku kala saxiixday heshiis iskaashiga difaaca ah

Next Post
Soomaaliya iyo Uganda oo Muqdisho ku kala saxiixday heshiis iskaashiga difaaca ah

Soomaaliya iyo Uganda oo Muqdisho ku kala saxiixday heshiis iskaashiga difaaca ah

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ahna isku duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ahna isku duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay

May 4, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka...

Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

May 3, 2026
0

Aqoon-isweydaarsigan oo soconaya muddo laba maalmood ah waxaa ka qayb galaya in ka badan 35 suxufi oo ka kala socda...

Dowladda Soomaaliya oo Xoojinaysa Iskaashiga dhanka Istiraatiijiga ah oo ay la leedahay Hoggaanka UNDP.

Dowladda Soomaaliya oo Xoojinaysa Iskaashiga dhanka Istiraatiijiga ah oo ay la leedahay Hoggaanka UNDP.

May 3, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Xamza Haadow, ayaa qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada...

Qaar kamid ah Wakiillada Beesha Caalamka oo soo dhaweeyay gogasha wadatashiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh

Qaar kamid ah Wakiillada Beesha Caalamka oo soo dhaweeyay gogasha wadatashiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh

May 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiiska Qaramada Midoobay ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (UNTMIS) iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska ayaa soo dhoweeyay martiqaadka Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In