Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Booliiska Gobolka Banaadir oo sheegay in baaris lagu wado ciidamo rasaas ku furay Dad Shacab ah

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 years ago
in Wararka
0
Booliiska Gobolka Banaadir oo sheegay in baaris lagu wado ciidamo rasaas ku furay Dad Shacab ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026

Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Banaadir Macallin Mahdi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ay xireen ciidamo loo haysto in ay rasaas ku fureen Dad ku dibadbaxayay Suuqa Siinaay ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa tilmaamay in aanay Booliisku aqbali Karin in la dhibaateeyo Dadka rayidka ah, sidaas awgeed Hay’adaha awoodda u leh in ay baaraan loo gacangeliyay askarta la xiray si Maxkamad loo horgeyo qofkii kiis lagu helo.

Ciidamada ayuu Taliyaha uga digay in ay ku dhaqaaqaan falal ka baxsan howlaha loo xilsaaray ee ah sugidda amniga iyo dadka gaysta falalka liddiga ku ah Amniga dalka.

“Cid weliba ee xabbad ka ridday Dadkii bannaanbaxayay ee cabashada muujinayay waala xiray, Kiiskaas Baaris ayaa loo diray, haddii alle idmo waxa aan rajayneynaa in Garsoorka & Maxkamaddu ku dhammaato”sida ayuu yiri  Taliye Macalin Mahdi

Taliyaha ayaa sidoo kale digniin
u diray Dadka dibadbaxyada dhiga ee xirta waddooyinka ama dhaawaca u gaysta laamiga waxaana uu sheegay in aanay marnaba la aqbali doonin falalkaas maadaama jidka oo la xiro ay ka dhalanayso xayiraad & dhibaato soo gaarta Bulshada.

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta XFS oo isagoo ka wakiil ah madaxweynaha JFS ka qeybgalay aaska iyo tacsida Madaxweynihii 2aad ee Tanzania

Next Post

Howlgal ka dhan Khawaarijta oo Ciidanka Xoogga Dalka ka sameyeen deegaano dhaca Gobolka Sh/Hoose.

Next Post
Howlgal ka dhan Khawaarijta oo Ciidanka Xoogga Dalka ka sameyeen deegaano dhaca Gobolka Sh/Hoose.

Howlgal ka dhan Khawaarijta oo Ciidanka Xoogga Dalka ka sameyeen deegaano dhaca Gobolka Sh/Hoose.

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Go'aan kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa looga joojiyay ka-qeybgalka kulamada...

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo saaray go’aanno rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Khawaarij waaweyn ay si toos ah ula...

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In