Tuesday, August 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
March 13, 2024
in Wararka
0
Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatey ciidamo ka tirsan kumandoska Danab oo dalka Kenya uga soo qeybgaley dhoolatus milateri oo ilaa iyo 23 waddan ay qeyb ka ahaayeen.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay xafladda qalinjabinta dufcadda 22-aad ee ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

August 12, 2025
RW ku-xigeenka dalka “Amni darradu waa dabarka ku xiran horumarka da’yarta Soomaaliyeed.”

RW ku-xigeenka dalka “Amni darradu waa dabarka ku xiran horumarka da’yarta Soomaaliyeed.”

August 12, 2025

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah u diray guud ahaan haweenka dunida, gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed oo u dabbaaldegay munaasabadda 8-da Maarso.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hambalyo ku aaddan bisha Ramadaan u diray shacabka Soomaaliyeed.

5- Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa bilaabay ka doodista cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG oo ka hadlaya matalaadda shacabka iyo doorashooyinka.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Cimillada Cagaaran (GCF), Mafalda Duarte oo ay ka wadahadleen dhibaatooyinka isbeddelka cimilladu sababeen ee heysta dalkeena iyo sidii wax looga qaban lahaa.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee qeybta baarista dembiyada oo lagu soo kordhiyey qalab casri ah.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Waddada Xoosh ilaa Ex Kontorool Afgooye, taas oo sii marta saddex degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar ku saabsan diblumaasiyadda oo soconayey muddo saddex toddobaad ah u soo xiray toban Danjire oo ay dhawaan ansixiyeen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xariga jaray qeybo ka mid ah Wasaaradda Qorshaynta iyo Dhiirigelinta Maalgashiga oo dib u dhis lagu sameeyay.

11- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa xarunta Degmada Hodan ka furay daadejinta doodaha dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka.

12- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in Soomaaliya muujisay isbeddel xooggan oo dib u habeynta dhaqaalaha iyo hay’adaha maaliyadda kadib kulan uu Nairobi kula qaatay hay’adaha dhaqaalaha adduunka.

13- Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Soomaaliya Mudane Cabdirizaaq Cumar Maxamed iyo dhiggiisa dalka Turkiga ayaa kala saxiixday heshiiska dhinaca shidaalka iyo gaaska ah iyo sida looga faa’iidaysanayo.

14- Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr Cali Xaaji, ayaa daah-furay madasha iskaashiga adeegga gaarka loo leeyahay iyo kan dowliga ee caafimadka.

15- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya Mudane Axmed Moallim Fiqi, ayaa guddoomiyay kulan heer wasiir oo ay ka soo qeybgaleen madaxda hay’adaha OCHA iyo FAO oo looga hadlay maareynta isbeddelka cimilada iyo xaaladaha bani aadamnimo ee Soomaaliya.

16- Siihayah Wasiirka Amniga Qaranka ahna Wasiiru Dowlaha wasaaraadda Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed, Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa tababar u soo xiray ciidamo cusub oo tababar ku qaatay dugsiga tababarka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye.

17- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan la qaatey Sii-hayah Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, iyagoo ka wadahadley arrimaha dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

18- Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Soomaaliya Marwo Raaxa Maxamuud Janaqoow ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga uga qeyb gashay shirka Iskaashiga Ganacsiga Hey’adaha Dowliga ah iyo kuwa gaarka ah.

19- Xoghayaha Joogtada ah ee cusub ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale ayaa si rasmi ah ula wareegay xilkiisa.

20- Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa gacanta ku dhigtay Guddoomiyihii hore ee degmada Dharkenlay Abuukar Axmed Caddow Tifoow oo ka tirsanaa Khawaarijta kaas oo in muddo ah ku dhex dhuumanayay hay’adaha dowladda.

21- Ciidanka Booliska ayaa gacanta ku soo dhigay 140 hoobiyayaal ah oo Khawaarijta dooneysay inay ku dhibaateeyaan shacabka magaalada Muqdisho.

22- Agaasimaha Guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Ahmed Said Mohamed, ayaa daah furay hanaan casri ah oo lagu bixin doono baasaboorka.

23- Ciidamada Booliska ayaa Degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ku qabtay Xasan Ibraahim oo ka mid ahaa saddex nin oo sannadkii hore la goostay gaari dowladda ay leedahay, kadibna u galey Khawaarijta Al Shabab.

24- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada Mareykanka ayaa dilay saddex xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab kadib hawlgal milateri oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

25- Dab ka kacay qeyb ka mid Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho oo khasaare geystay.

26- Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo tababbar ku saabsan maareynta dhibaatooyinka ka dhasha deegaannada laga xorreeyo Khawaarijta loogu soo xiray magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.

27- Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa ka qeyb galay carbis ciidan oo ka dhacay dalka Kenya, halkaasi oo ay si wanaagsan uga soo dhex muuqdeen.



Previous Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay mas’uuliyiinta Hay’adda UNHCR 

Next Post

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo shir guddoomiyay kulanka 25-aad Labada Aqal ee BJFS “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo shir guddoomiyay kulanka 25-aad Labada Aqal ee BJFS “SAWIRRO”

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo shir guddoomiyay kulanka 25-aad Labada Aqal ee BJFS "SAWIRRO"

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

August 12, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Jeneraal Khaalid,” ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray...

RW ku-xigeenka dalka “Amni darradu waa dabarka ku xiran horumarka da’yarta Soomaaliyeed.”

RW ku-xigeenka dalka “Amni darradu waa dabarka ku xiran horumarka da’yarta Soomaaliyeed.”

August 12, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo maanta qeyb galay xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka oo sanad...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray waddooyin muhiim ah

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray waddooyin muhiim ah

August 12, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xarigga ka jaray afar waddo oo laami...

Somali FM Meets Algerian Agriculture Minister to Boost Farming Cooperation

Somali FM Meets Algerian Agriculture Minister to Boost Farming Cooperation

August 11, 2025
0

Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Mr. Abdisalam Abdi Ali, met on Sunday evening (August 10) in Algiers...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In